2649 Views

Dhagayso:–Madaxweynaha Hir-shabelle Oo hadlay Qorshaha isku Dhafka Ciidamada

Dhagayso:–Madaxweynaha Hir-shabelle Oo hadlay Qorshaha isku Dhafka Ciidamada
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |  24 November, 2017 —Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo ku sugan magaalada Beledweyne ayaa faah faahin ka bixiyay qorshaha Ciidamada Dowladda ee isku dhafka loogu sameynayo.

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa sheegay ujeedka uu u gaaray Hiiraan in ay ka mid tahay sidii uu u dardar gelin lahaa isku dhafka Ciidamada Dowladda qeybta Hirshabeelle, taasi oo kolhore ay ku heshiiyeen Madaxda Dowladda iyo kuwa Maamul Goboleedyada.

Wuxuu sheegay Saraakiisha Ciidamada Millitariga Soomaaliya ee ku sugan degaanada Hirshabeelle inuu kala hadli doono qorshaha isku dhafka Ciidamada Dowladda oo hada abaabulkeeda uu socdo.

Madaxweynaha Dowlada Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo wafdi u hogaaminayo ayaa gelinkii dambe ee shalay gaaray Magalaada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan kadib markii uu ka ambabaxay magaalada Jowhar.

Halkan  Ka Dhagayso

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment