2745 Views

Shir Muhiim ah Oo Muqdisho Lagu Soo Idleeyey

Shir Muhiim ah Oo Muqdisho Lagu Soo Idleeyey
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |  24 November, 2017 —Shir looga hadlayay iskaashi laga sameeyo dagaalka Al-Shabaab, xoojinta Ganacsiga iyo iskaashi dhanka maamulka oo u dhaxeeya maamulada Jubbaland iyo ismaamulka Gaarisa ayaa xalay lagu soo gaba gabeeyay magaalada Gaarisa ee Waqooyi Bari dalka Kenya.

Shirkan oo mudo labo cisho ah ka socday magaalada Gaarisa ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Urur Goboleedka IGAD iyo Hay’ado nabada ka shaqeeya,waxaana dhanka Maamulka Jubbaland uga soo qeyb galay Mas’uuliyiin ka socotay degmooyinka Badhaadhe iyo Dhoobley halka maamulka Gaarisa ay u matalayeen Ergooyin ka socotay degmooyinka Dadab iyo Faafi oo oo dhaca Xuduuda kala qeybiya Kenya iyo Soomaaliya.

Inta uu socday shirka ayaa labada dhinac waxay si xoogan iskula jeex jeexeen sidii iskaashi buux labada maamul uga sameyn lahaayeen xagga amniga, islamarkaana meel looga soo wada jeesto Ururada Al-Shabaab loona sii laba jibaari lahaa dagaalka lagula jiro.
Mas’uuliyiin ka socotay Ururada IGAD iyo kuwa Nabada ka shaqeeya ee shirka soo qaban qaabiyay, islamarkaana hadalo kooban ka jeediyay shirka ayaa sheegay iney muhiim tahay in labada maamul ee Jubbaland iyo Gaarisa ka shaqeeyaan amniga iyo iskaashiga xaga ganacsiga iyo dhanka maamulka.

Waxaa shirka socday mudada labada cisho soo xiray Guddoomiye ku-xigeenka ismaamulka Gaarisa Cabdi Dhaqane Maxamed oo kula dardaarmay ka qeyb galayaasha shirka iney siday tahay waxay u fahmeen ula wadaagaan maamuladii ay ka kala yimaadeen, islamarkaana qodobada lagu heshiiyay la dhaqan geliyo.

a a2 a3

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment