2409 Views

Mareykanka Oo Sheegay inuu duqeyn la eegtay Daacishta Somaliya.

Mareykanka Oo Sheegay inuu duqeyn la eegtay Daacishta Somaliya.
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |  28 November, 2017 —Dowladda Mareykanka ayaa ka hadashay duqeyn Diyaaradeheeda ay ka geysteen qeybo kamid ah Gobolada dalka Somaliya kadib howlgal dhanka cirka ah oo ay sameeyeen diyaaradohooda aan duuliyaha leheyn.

Diyaarad Drone ah ayaa la sheegay iney duqeyn ka geystay qeybo kamid ah deegaanada Puntland ayna ku bartilmaameedsadaan dagaalyahano katirsan Kooxda Daacish ee ku sugan Gobolka Bari, Mareykanka waxa uu sheegtay iney duqeyntaas ku dileen hal dagaalame oo Daacish katirsan.

Waa weerarkii labaad ee diyaaradaha mareykanka sanadan gudihiis ku bartilmaameedsadaan saldhigyada ay ku suganyihiin dagaalamayaasha Daacish, Weerarkan kii ka horeeyay waxaa ka badbaaday hogaamiyaha Daacishta Puntland C/qaasir Muumin.

Si kastaba Daacish wali wax war ah maka soo saarin weerarkan Caawa uu masuuliyadiisa sheegtay Mareykanka ee lagu dilay askariga ka tirsan Kooxda isku magacday Khilaafada Islaamka ee Daacish.

Weerarka maanta ee Daacish ayaa ka dhigaya kii 30-aad ee Mareykanka ka geystaan Somaliya Sanadan Kaliya, 28 Kamid ah waxaa lala bartilmaameedsaday Al-Shabaab, Halka labana lala eegtay Daacish

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment