2322 Views

Golaha Wasiirada Hirshabelle Oo La Filayo In Maanta Lagu Dhawaaqo

Golaha Wasiirada Hirshabelle Oo La Filayo In Maanta Lagu Dhawaaqo
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |  29 November, 2017 —

Waxaa maanta lagu wadaa in la magacaabo Golaha wasiirada cusub ee Hirshabelle, kuwaas oo si weyn looga dhur sugayo deegaanada Maamulkaasi.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Guure oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Hirshabelle ayaa sheegay in qorshihii ugu dambeeyay ee ku dhawaaqista Golaha Wasiirada uu wado madaxweyne Maxamed Cabdi Waare, islamarkaana la filayo in saacadaha soo socdo la magacaabo.

Waxaana uu ku taliyay Xildhibaan Guure in Golaha Wasiirada ay noqdaan kuwa yar, islamarkaana laga fiiriyo xaga Tayada.

Muddooyinkii dambe ayaa madaxweyne Waare waxa uu waday wadatashiyo ku aadan Magacaabista Golaha Wasiirada, iyadoona la sheegayo in inta badan xubnaha Wasiirada ay noqon doonaan kuwa ka baxsan Xildhibanaada Maamulkaasi.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment