2325 Views

Saraakiil Kenyaan ah Oo Lagu Dilay Lamu

Saraakiil Kenyaan ah Oo Lagu Dilay Lamu
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |  29 November, 2017 —

Labo ka  mid ah saraakiisha Booliska Kenya ayaa lagu dilay inta u dhaxeysa Magaalooyinka Lamu iyo Mombasa ee dalka Kenya kaddib markii weerar lagu qaaday gaari ay la socdeen.

Saraakisha Booliska Kenya ayaa weerarkaas ku eedeeyay Al-shabaab waxaana ay sheegeen in intii uu weerarkaas scday ay askartaas geeriyoodeen.

Saraakiisha la dilay ayaa la socday Gaadiidka dadweynaha oo ay galbinayeen,waxaana ay ka iaalinayeen Al-shabaab oo inta badan weerarta gaadiidka dadweynaha ee ay la socdaan dadka Kenyaanka ah.

Larry Kieng; oo ah Taliyaha Booliska Xeebta Kenya ayaa sheegay in Cidankan iyo Gaadiidka ay galbinayeen ay dagaalka kula kulmeen degaanka  Larry Kieng.

KDF-2

Al-shabaab ayuu ku eedeeyay in sidoo kale ay dhaawaceen Cidamo kale oo u gurmaday kuwa la weeraray,waxana uu xusay in mid ka mid ag Gaadiidkii dadweynaha uu isna rogmaday oo uu khasaare u badan dhaawac ka dhashay

Wxaa uu intaas ku daray in Al-shabaabka weeraray gaadiidkaas ay kaddib dadkii Rakaabka ahaa u qeybiyeen waraaqo digniin ah,waxaan ay xilligaas xirnaayeen dharka Milatariga ee Keymaha lagu joogo.

Larry Kieng,ayaa sheegay in xilligaan weerarka uu dhacayay ay diyaaradaha Helicopters-ka Ciidanka Kenya dusha kala socdeen dhaq dhaqaaqa Al-shabaab ee degaankaas hayeeshee aysan deg deg uga jawaabin.

Qof ka mid ah Rakaabka ayaa yiri “waxaan markii hore moodeynay Ciidamada Kenya,laakiin markii ay rasaasta billaabeen ayaan ogaannay in ay Al-shabaabyihiin,waxaan xitaa ka baqeynaa in ay Askar qafaasheen”.

bus-pic

Gaadiidkiii dadweynaha ee weerarkaas la kumay ayaa la geeyay Magaalada Witu,halkaas oo safarkooda loo wareejiyay si amaankooda loo xaqiijiyo waxaana dib u dhacay safarkii ay ugu socdeen Mombasa.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment