2361 Views

Sarkaal ka tirsan Daacish-ta Soomaaliya oo lagu dilay duqeyn cirka ah

Sarkaal ka tirsan Daacish-ta Soomaaliya oo lagu dilay duqeyn cirka ah
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |  29 November, 2017 —Sarkaal ka tirsan Ururka Daacish ee Soomaaliya ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay duqeyn Isniintii la soo dhaafay ka dhacday meel 70KM dhanka bari kaga beegan magaalada Boosaaso.

Mareykanka ayaa sheegay inuu fuliyo duqeyn cirka ah oo lagu dilay xubin ka tirsan Daacish-ta Soomaaliya, inkastoo aanu magaciisa sheegin, hase ahaatee duqeyntan ayaa ah tii labaad oo bishan lagu qaado xubno ka tirsan Daacish

Ilo ku dhow dhow Dowladda Soomaaliya ayaa laga soo xigtay in Sarkaalka lagu dilay duqeynta lagu magacaabayay C/casiis Guure oo Daacish u qaabilsanaa dhanka Saadka ama Logistics.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Daacish oo ku aadan warka soo baxay ee sheegaya in la dilay Sarkaal sare oo ka tirsanaa ururkooda.

Ururka Daacish ayaa dhaq dhaqaaqyo fircoon ku leh deegaanada buuraleyda ee Waqooyi Bari Soomaaliya, waxaa sanad ka hor ay qabsadeen deegaanka Qandala oo ah deegaan istiraatiiji ah, inkastoo ciidanka Puntland ka saareen

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment