2397 Views

Dhageyso:-Wasiirka Amniga Oo U Digay Wariyayaasha Aflagaadeeya Madaxda Dowladda

Dhageyso:-Wasiirka Amniga Oo U Digay Wariyayaasha Aflagaadeeya Madaxda Dowladda
____________________________________________________________________________

Wasaaradda Amniga gudaha  xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka warbixisaya amarro cusub oo ku aadan sidii loo xoojin lahaa sugidda amniga caasimadda Muqdisho iyo ka hortagga falalka lidiga ku ah nabadgeliyada guud.

Maxamed Abuukar Islow Ducaale Wasiirka Amniga Dowladda Federaalka Soomaaliyta ayaa sheegay in aan Muqdisho lagu dhexwadan karin hub sharcidarro ah isagoo hoosta ka xariiqay in dadka mas’uuliyiinta ah aysan qaadan karin afar qori ka badan.

Wasiirka Amniga ayaa sidoo kale diginiino ka soo saarey wararka been abuurka ah ee amniga lagu qalqalgelinayo iyo kuwo loogu gafaayo madaxda dowladda,isagoo xusay talaabo laga qaadayo dadka falkaasi ku kaca.

“Waxaa jira dad baahinayay warar asyan cadeyn u heyn kuwaas oo madaxda ka eben sheega.mararka qaarna baahiya in qaraxyo lagu xiray Gawaarida AMISOM ay ku jiraan Magaalada lagamana aqbali doono ayuu yiri Wasiirka”

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment