Muqdisho | QOL | Nov 30, 2017 Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa Maanta Daah furay Diiwaan-galinta Ciidamada Xooga Dalka oo markii ugu horeysay Taariikhda Soomaaliya Askari walbo Mushaarkiisa uu ku qaadan doono Akoonkiisa gaarka ah.
Arintaan oo uu hormuud ka yahay Wasiir Beyleh ayaa ujeedkeedu waxa uu yahay in laga gudbo Nidaamka Lacagaha Kaashka ah gacanta loogu qeybiyo Ciidamada taasoo mudooyinkii lasoo dhaafay la isticmaalayay.
Wasiirka Maaliyadda Dr C/raxmaan Ducaale ayaa tilmaamay hadii tilaabadan si rasmi ah loogu guuleysto in ay noqon doonto mid waxbadan ka badasha baahida Ciidanka ay u qabaan helida mushaar joogta ah.
Qaar ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Xooga dalka oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa ka hadlay dareenkood ku aadan nidaamkaan cusub ee Dowladda Soomaaliya Akoonada ugu fureyso Ciidamada Xoogga dalka,waxayna sheegeen iney tahay talaabo horay loo qaaday oo dhiira gelineysa Ciidamada habeen iyo maalin u soo jeeda difaaca dalkooda.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wada dadaalo lagu ciribtirayo hanaanka masuq maasuq oo mudo badan soo hareeyay dalka,waxaana hadda muuqanaya ifafaalo Qorshe cad ah looga gaarayo masuq maasuqa.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online |Muqdisho
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________