2031 Views

Dood cilmiyeed looga hortagayo fikirka Xagjirka ah oo lagu qabtay Magaaladda Muqdisho

Dood cilmiyeed looga hortagayo fikirka Xagjirka ah  oo lagu qabtay Magaaladda Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 01-Dec-2017 – Dood cilmiyeedkaan looga hadlayey ka hortaga fikirka Xagjirka ah oo lagu qabtay Magaaladda Muqdisho, ayaa waxaa ka qeyb galay Saraakiisha Ciidamada qalabka sida, qaar kamid ah qaar kamid ah Culimada Soomaaliyeed, qeybaha kala duwan ee Bulshada rayidka ah iyo Madaxda xarumaha lagu dhaqan celiyo Maleeshiyaadka Nabad diidka Alshabaab kasoo goosta.

Shiikh Cali Shiikh Maxamuud (Wajiis) oo halkaasi ka hadlay, ayaa sheegay in la joogo waqtigii dalka laga sifeyn lahaa fikirka Xagjirnimada ah, isagoo ku baaqay in ciribtirka fikirkaasi bulshada Soomaaliyeed ay gacan weyn ka geeysato.

Guddoomiyaha Hay’adda Culimada Soomaaliyeed, Shiikh Bashiir Axmed Salaad, ayaa isna dhankiisa sheegay in loo wada istaago siddii fikirka qaldan ee Nabad diidka Alshabaab Soomaaliya looga sifeyn lahaa, waxaana uu sharraxaad ka bixiyey Fikirka Xagjirnimada ah iyo  ku talaxtagiisa.

Guddoomiyaha Xarunta Wacyi gelinta ee Irshaad, Mudane Maxamed Bukhaari, ayaa Munaasabaddaasi ka sheegay in xaruntaan ay waqti badan galineyso siddii wacyi gelin ballaaran  looga sameyn lahaa fikirka xagjirka ah ee ku saleysan wax qarbudaada.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo kaashaneysa Culimada Soomaaliyeed iyo  Bahda fanka, ayaa dadaal xooggan ugu jira siddii dhalinyarada Soomaaliyeed looga wacyi gelin lahaa fikirka qaldan ee Alshabaab, waxaana jira xarumo kale duwan oo dalka laga hirgeliyey, kuwaasi oo ka shaqeeya arrimahaasi.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment