2172 Views

Galmudug iyo Ahlusuna Oo heshiis hordhac Ku gaaray dalka jabuuti.

Galmudug iyo Ahlusuna Oo heshiis hordhac Ku gaaray dalka jabuuti.
____________________________________________________________________________

Muqdisho |  QOL  | December 01, 2017—–Wada hadalada u dhaxeeya Ahlusuna iyo Galmudug ee ka socda Jabuuti ayaa heer gabogabo ah maraya, iyadoo inta badan la isla meel dhigay qodobada labada dhinac ka wada hadleen.

Shirka oo galay todobaad ayaa ugu horeyn ku bilowday siminaar looga hadlayay xalinta khilaafaadka oo ay soo qaban qaabisay Urur Goboleedka IGAD, iyadoo siminaarka kaddib la guda galay wada hadaladii tooska ahaa ee labada maamul ee Galmudug iyo Ahlusuna.

Mas’uuliyiinta labda dhinac ayaa muujiyay isu soo dhowaansho, waxaana wada hadaladii u dambeeyay ee ay yeesheen uu ahaa mid aan loo dhaxeyn oo ay keligood ka wada arrinsadeen xaaladaha jira

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in heshiiska labada dhinac gaareen ay ku saxiixi doonaan magaalada Muqdisho.

Labada dhinac ayaa la sheegayaa inay isku afgarteen qodobo ka mid ah awood qeybsiga, balse ay jiraan qodobo aan wali la isku afgaran oo xalintooda ay noqotay in Muqdisho lagu dhameeyo, lalana wadaago Madaxda dowladda Federaalka.

Qodobada illaa iyo hada la isku afgartay waxaa ka mid ah:-

1- In Ahlu Sunna ay aqbashay magaca Galmudug.

2- In Ahlu Sunna ay aqbashay ku biiritaanka Galmudug.

3- In Ahlu Sunna ay xubno ku yeelato Baarlamaanka Galmudug.

4- In Ahlu Sunna ay yeelato Gudoomiyaha Gobolka Galgaduud, Gudoomiyaha Maxkamadda Sare Galmudug iyo Taliye-yaasha Ciidamada Nabad Suggida & Booliska Galmudug.

5- In sidoo kale Ahlusuna ay yeelato Guddoomiyaha Baarlamaanka, Ku xigeenkiisa, 11 xildhibaan iyo 5 Wasiir.

Labada dhinac, ayaa waxaa lagu wadaa inay soo bandhigaan qodobada ay ku heshiiyeen oo dhameystiran, si Galmudug ay uga hana qaado Gobolada Galgaduud iyo Mudug.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment