3564 Views

Maalinta AIDS-ka Aduunka Oo Maanta Muqdisho laga xusay

Maalinta AIDS-ka Aduunka Oo Maanta Muqdisho laga xusay
____________________________________________________________________________

Muqdisho |  QOL  | December 01, 2017—-Munaasabadda Xuska maalinta AIDS-ka aduunka ee 1-da December oo ay si wadajir ah u soo qaban qaabiyeen Wasaaradda Caafimaadka iyo Guddiga ka hortagga AIDS-ka ee Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya ee (SCAC) ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Munaasabadan ayaa waxaa ka soo qeyb galay Wasiiro, Guddoomiyaha Guddi hoosaadka arrimaha Caafimaadka iyo Waxbarashada ee Golaha Aqalka Sare Dr. Cusmaan Maxamuud Dufle, Ururka aan Dowliga aheyn ee SOCENSA, Ururka SCAC, dadka la nool Xanuunka AIDS-ka iyo marti kale.

Sheekh Sayid Abaa Cali oo ah Gudoomiyaha dadka la nool xanuunka AIDS-ka oo goobta hadal ka jeediyay ayaa waxa uu eedeyn u jeediyay Wasaaradda Caafimaadka ee Xukuumadda Soomaaliya, wuxuuna sheegay in mar walba balan qaad ay u sameyso dadkaasi balse aysan gadaal u soo fiirin.

Guddoomiyaha Guddi hoosaadka arrimaha Caafimaadka iyo Waxbarashada ee Golaha Aqalka Sare Dr. Cusmaan Maxamuud Dufle ayaa sheegay cudurkan in dhibaato weyn uu ku haayo Soomaaliya, lana dardar geliyo wacyigelintiisa.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) ayaa sheegay muhiim in ay tahay bulshada in laga wacyi geliyo in ay jinsi fuquuq ku sameeyaan dadka qaba cudurkan, wuxuuna tilmaamay Dowladda in ay ka go’an tahay in bulshada la gaarsiiyo adeegyada ay u baahan yihiin.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ee Xukuumadda Soomaaliya Fowsiya Abiikar Nuur ayaa sheegtay in kulan ay la qaadan doonto dadka la nool xanuunka HIV/AIDS-ka ayna tahay in aysan bulshada faquuqin dadkaasi.

Soomaaliya bukaanada qaba virus-ka dhaliya cudurka AIDS-ka waa la takooraa, taas oo adkaysa in bukaanku helo dawo iyo iyagoo inta badan qarsada cudurkan, waxay ka baqayaan in lagu ogaado taasina waxa ay ka qayb qaadataa faafida cudurka oo aan laga haynin xog rasmi ah gudaha Soomaaliya.

Maanta waxa ay ku beegan tahay Kowda bisha December, oo loo asteeyay maalinta AIDS-ka adduunka, waxaana laga hadlaa dhibaatooyinka uu ku hayo cudurkan malaaayiin qof oo dunida ku nool.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment