2025 Views

Madaxweynaha Zimbabwe Mnangagwa Oo magacaabay Gole Wasiiro Oo ay ku jiraan Milatari

Madaxweynaha Zimbabwe Mnangagwa Oo magacaabay Gole Wasiiro Oo ay ku jiraan Milatari
____________________________________________________________________________

Muqdisho |  QOL  | December 01, 2017—–Madaxwaynaha cusub ee Dalka Zimbabwe Emmerson Mnangagwa ayaa ku dhawaaqay Golaha wasiirada cusub ee xukuumadiisa kadib markii todobaadkii hore loo dhaariyay Madaxweynaha dalka Zimbabwe.

Golaha Wasiirada uu magacaabay Madaxweynaha cusub ee Zimbabwe ayaa waxaa jagooyin sar sare laga siiyaay saraakiil katirsanayd Ciidamada Militariga Dalkaasi oo awaadii ka qaaday madaxweynihii hore Robert Mogabe.

Wasirka Arrimaha Dibadda ee cusub ee dalka Zimbabwe ayaa loo magacaabay Sibusiso Moyo, waana janaraalkii laba todobaad ka hor sida la yaabka lahayd telefishinka dalkaasi uga dhawaaqay in awooda dalkaasi ay ciidamada la wareegeen.

Waxaa uu sido kale magacaabay Mr Mnangagwa ilaa 6 wasiir ku xigeeno oo dhamaantoodi ku cusub liiska dowladda dalkaasi. Perence Shiri oo horey u ahaa Madaxii ciidamada cirka ayaa loo magacaabay wasiirka dhulka iyo beerarha dowladda csusub ee manangagwe.

Waxaa uu caan ku ahaa oo uu hogaaminayay howlgalkii ka dhacay goobt lagu magacaabo Matabelelandin horraantii 1980 kaasi oo ay ku dhinteen dad lagu qiyaasay 20 kun oo rayid ah .

Mr Tendai Biti oo kamid ah dadka dhaliila dowladda ayaa sheegay in waqtigii dabaaldaga uu dhamaaday,isagoo intaa ku daray in si sahlan ay u rajaynayeen isbadal taasi oo muujinaysa ayuu yiri sida aan u qaldanayn.

Emmirson Mnangagwa ayaa dhawaan loo dhaariyay xilka madaxweynaha Zimbabwe kadib markii xilka uu ka degay Mr Robert Mogabe oo muddo 37 sano ah soo maamulayay

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment