2103 Views

Kulan Looga Hadlay Howlgalka AMISOM Oo Ka Dhacay Itoobiya

Kulan Looga Hadlay Howlgalka AMISOM Oo Ka Dhacay Itoobiya
____________________________________________________________________________

Addis Ababa | QOL | Disembar 02, 2017 –Kulanka 25-aad ee howlgalka AMISOM ee Soomaaliya ayaa lagu qabtay Magaalada Addis Ababa ee xarunta Dalka Itoobiya, kaas oo uu marti galiyay Ururka Midowga Afrika.

Waxaana shirkaasi ka qeyb galay saraakiisha Ciidamada Dalalka ay ka joogaan Soomaaliya oo ka mid yihiin Burundi, Jabuuti, Ethiopia, Kenya, Nigeria iyo Uganda, iyadoo sidoo kale ay kulankaasi qeyb ka ahaayeen madax ka socotay Dowladda Soomaaliya, Wakiilo ka socday Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, Mareykanka iyo Ingiriiska.

Kulanka oo uu shir gudoominayay guddoomiyaha Nabad Galyada iyo Amniga ee Midowga Afrika Smail Chergui ayaa waxaa looga hadlay howlgalka Ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM iyo wixii u qabsoomay.

Waxaana intii uu shirkaasi socday diirada lagu saaray sidii loo wiiqi lahaa Awooda Al Shabaab oo weli halis weyn ku ah Ammaanka Soomaaliya iyo sidii Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ay u heli lahaayeen tasiilaad ku filan, si ay xoojiyaan Amniga Dalka.

Sidoo kale ayaa waxaa la isku raacay in Ciidamada Soomaaliya la siiiyo tababaro dheeraad ah, si ay ula wareegaan Amniga Dalka, islamarkaana ay uga madax banaanaadaan AMISOM.

Shir kale oo looga hadlayo Ammaanka ayaa la filayaa in 4-bishan December lagu qabto Magaalada Muqdisho, waxaana uu la xiriiraa sidii Ciidamada Dowladda ay Ammaanka Dalka ugala wareegi lahaayeen AMISOM.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |Addis Ababa

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment