2448 Views

Madaxweynaha Jubbland Axmed Madoobe oo Muqdisho soo gaaray

Madaxweynaha Jubbland Axmed Madoobe  oo Muqdisho soo gaaray
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December 2 | Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa gaaray Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa ka koobna labada gole iyo Mas’uuliyiin kale Xildhibaano katirsan Baarlamaanka JSF iyo Masuuliyiin kala duwan ayaa wafdiga Madaxweynaha kusoo dhaweeyay garoonka Diyaaradah Aadan Cade ee Magaalada Muqdisho.

 Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa Magaalada Muqdisho u yimid ka qayb galka shirka Amniga Qaranka oo dhawaan ka dhici doona Caasimadda.

 Madaxweynahu wuxuu sheegay in ammaanka wadanku uu aad uga wanaagsan yahay sidii uu ahaa Sanado kahor isla markaana ay rajo wanaagsan ka qabaan in la gaaro isku filnaansho dhinaca amniga ah.

 Ciidamada Soomaaliya ayuu Madaxweynahu sheegay in duruufo adag ay ku shaqaynayaan taas oo jirtana ay wax badan oo juhdi ah galiyeen nabad galyada wadanka.

 Madaxweynahu wuxuu rajo wanaagsan ka muujiyay in shirka ay kasoo baxaan go’aamo horay usii dhaqaajiya rajada laga qabo  in Soomaaliya ay amaankeeda hanato isla markana la isku duba rido Ciidamada Qaranka,

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment