1986 Views

Shir Muhiim ah Oo Maalmaha Soosocda Ka Furmidoona Muqdisho

Shir Muhiim ah Oo Maalmaha Soosocda Ka Furmidoona Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Disembar 02, 2017 – Waxaa lagu waddaa in maalinta Isniinta ah uu Magaalada Muqdisho ka furmo Shirka Amniga Qaranka oo looga hadlaayo xaaladda Amniga ee guud ahaan Soomaaliya.

Shirkaan ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxda ugu sareysa dowladda Soomaaliya kuwa maamul goboleedyadda iyo Madaxda ciidamada AMISOM.

Waxaa uu daba socdaa Shirkaasi , shirkii horay uga dhacay Magaalada London ee looga hadlaayay Xaaladda Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta dowladda Soomaaliya Cabdiraxmaan Yariisow ayaa sheegay in uu muhiim yahay Shirkaasi.

Yariisow ayaa sidoo kale xusay in dhammaan ay kasoo qeyb gali doonaan Shirkaasi  Hay’adda Ammaanka Soomaaliya.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment