2457 Views

DAWWO SAWIRADA :-Inkabadan 8 Xisbi Oo Si Rasmi ah Isku Diwaangeliyay Maanta

DAWWO SAWIRADA :-Inkabadan 8 Xisbi Oo Si Rasmi ah Isku Diwaangeliyay Maanta
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Disembar 03, 2017 –Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka ayaa Maanta ku dhawaaqay in si rasmi ah shahaadooyinkooda aqoonsiga  loo  siiyay 8 xisbi siyaasadeed, waxaana Munaabsad arintaasi ku saabsan lagu qabtay Muqdisho.

Waxaa ka qeyb galay Munaasabaddaasi , Wasiiro, Xildhibaano iyo Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya.

48 Sano kaddib ayey sheegtay Gudoomiye Xaaliimo Yarey in Soomaaliya ay ka hirgelinayaan nidaamka axsaabta badan,iyada oo Xildhibaannada iyo xubnaha kale ee dowladda la doonayo in ay xisbiyo ka soo galaan halka hadda ay keenaan Odayaasha Qabaa’ilka Soomaaliyeed.

Waxa ay sidoo kale tilmaamtay in ay muhiim tahay In xisbiga xaruntiisa dhexe ay noqoto Magaalada Muqdisho, islamarkaana uu laamo ku leeyahay Guud gobolada Soomaaliya.

Golaha shacabka Soomaaliya ayaa 2016kii meel mariyay sharciyada axsaabta dalka,waxaana Xisbiyada lagu soo rogay shuruudo uu xisbiga ku noqon karo xisbi la aqbalo.

Sawir Qaade :-Nuuradiin Maxamad Axmed 

x1 x2 x3 x4 x6

 

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment