2130 Views

Guddiga doorashada madaxabanaan Oo Billaabay Diiwaangelinta Xisbiyada

Guddiga doorashada madaxabanaan Oo Billaabay Diiwaangelinta Xisbiyada
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Disembar 03, 2017 –Guddoomiyaha Guddiga doorashada madaxabanaan ee Soomaaliya Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yareey),ayaa sheegtay in ilaa hadda ay hayaan codsiyada 7 Xisbi oo u diyaarsan hanaanka Xisbiyada Siyaasadeed ee Soomaaliya.

Waxa ay sheegtay Xaliimo in Sharuudaha laga rabo Xisbiga ay ka mid yihiin in  uu leeyahay dastuur,Gole dhexe,Gole fulin sidoo kalena iska bixiyo lacagta diiwaangelinta oo gaareysa $500 oo doollarka Mareykanka ah.

48 Sano kaddib ayey sheegtay in Soomaaliya ay ka hirgelinayaan nidaamka axsaabta badan,iyada oo Xildhibaannada iyo xubnaha kale ee dowladda la doonayo in ay xisbiyo ka soo galaan halka hadda ay keenaan Odayaasha Qabaa’ilka Soomaaliyeed.

Waxa ay sidoo kale tilmaamtay in ay muhiim tahay In xisbiga xaruntiisa dhexe ay noqoto Magaalada Muqdisho, islamarkaana uu laamo ku leeyahay Guud gobolada Soomaaliya.

Golaha shacabka Soomaaliya ayaa 2016kii meel mariyay sharciyada axsaabta dalka,waxaana Xisbiyada lagu soo rogay shuruudo uu xisbiga ku noqon karo xisbi la aqbalo.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________

 

 

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment