2298 Views

Maxkamadda Mandheera Oo 30 Sano xabsi ah ku Ridday Nin ay ku eedeysay basaaska Al-shabab

Maxkamadda Mandheera Oo 30 Sano xabsi ah ku Ridday Nin ay ku eedeysay basaaska Al-shabab
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Disembar 03, 2017 –Maxkamadda Magaalada Mandheera ee Dalka Kenya ayaa 30 Sano oo Xabsi ah ku ridday C/Raxmaan Cabdi Taakow oo ay ku heshay dambi ah in uu AL-shabaab u basaasayay.

Taakow ayaa la qabtay 14kii  September Sanadkan xilligaas oo ilaalada Xabsiga Mandheera ay arkeen isaga oo meelo qarsoodi ah ka ishaafalateynaya dhismaha xabsiga,waxaana ku baxay Ciidamada Xabsiga ilaalinayay oo xiray

.00

Maxkamadda ayaa sheegtay in C/Raxmaan uu ka baxay Muqdisho kuna jiray AL-shabaab isaga oo ka tirsanaa qeybta sirdoonka Al-shabaab ee Xabsiyada iyo xarumaha dowladda xogaha ka soo ururiya.

Xukunka Maxkamadda ayaa dhacay 29kii Bishii aanu soo dhaafnay ee Novermber,waxaana Maxakamadda ay sheegtay in dambiga lagu helay ay ku marqaatu fureen dadkii arkayay oo ay ka mid ahaayeen ilaalada xabsiga ee qaban doono.

Xuseen Cismaan Mursal oo ka mid ah ilaalada Xabsiga ayaa Maxkamadda ka hor sheegay in Taakow uu Luuq yar ka fiirinayay dhismayaasha Xabsiga Mandheera,islamarkaana uu gambanayay markii ay arkayeen.

Markii la qabtay ayuu Taakoow ku dooday in uu Xabsiga u tagay si loogu soo qabto qof 30,000 oo lacagta Kenya ah ka qaato,kaas oo uu sheegay in uu Nairobi u baxsaday.

Cali Maxamed Ibraahim oo ka mid ah saraakiisha Xabsiga Mandheera ayaa isna sheegay in saraakiisha kale ee Xabsiga ay qabeen digniin la xiriirta weerar uga yimaada Al-shabaab sidaas darteedna xilligaasba heegan ku jireen.

Hay’adaha mukhaabaraadka oo la wareegay kiiska Taakow ka hor xukunka Maxkamadda ayaa sheegay in uu qirtay in uu ka tirsanaa Amniyaadka AL-shabaab loona diray in uu ururiyo xogta Saldhigyada,Booliska,Saldhigyada Milatariga,Xarumaha Maamulka Gobolka iyo kuwo kale si weerarro loogu qaado.

nnnb

Waxaa kale oo ay sheegeen in C/Raxmaan Maxamed Taakow uu ka shaqeynayay Garaash ku yaalla Degmada Yaaqshiid ee Magaalada Muqdisho,kaddibna u safray Mandheera.

Taakow ayaa Maxkamadda ka hor sheegay in uusan ka tirsaneyn Al-shabaab, ee uu yahay qof Qaxooti ah islamarkaana aan lahayn dambiga lagu eedeeyay.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment