2667 Views

Mukhtaar Roobow Oo kormeeray Saldhigyo Ciidan Ku yaalla Baydhabo

Mukhtaar Roobow Oo kormeeray Saldhigyo Ciidan Ku yaalla Baydhabo
____________________________________________________________________________

Baydhabo | QOL | Disembar 03, 2017 –Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo maalmo ka hor gaaray magaalada Baydhabo ayaa bilaabay komeero uu ugu kuur galayo xaalada magaalada, isagoo booqday saldhigyo ciidan.

Wadaadkan oo taageero ballaaran ka heysta dadka reer Koofur Galbeed ayaa maalmo ka hor si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Baydhabo, iyadoo dadweyne fara badan ay ku soo dhoweeyeen caleema qoyan.

Afhayeenka Maamulka Koofur Galbeed Nuuradiin Gacma ayaa sheegay in Mukhtaar Roobow uu kormeero qeybo ka mid ah magaalada oo ay ku jiraan goobo uu isaga codsaday, balse aanay xilligan warbaahinta ka sheegeyn.

“Ujeedka wuxuu ahaa inuu indha indheeyo xaalada magaalada, waxaa jirtay meelo gaar uu codsaday in la geeyo, wuuna kormeeray, ma rabno in aan hada ka sheegno saxaafada meelahaas uu tagay”ayuu yiri Afhayeenka Maamulka Koofur Galbeed.

Waxaa uu sheegay in maalmaha soo socda la faah faahin doono ujeedada safarkiisa iyo meelihii uu booqday, marka ay soo idlaadaan kulamada.

Mukhtaar Roobow ayaa la sheegay inuu doonayo in guluf dagaal uu ku qaado Al-Shabaab, waxaana la sheegay in Maamulka Koofur Galbeed kala hadlayo sidii taageero loo siin lahaa maleeshiyaad taageersan oo ku sugan Gobolka Bakool.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |Baydhabo

_______________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment