2145 Views

Munaasabad Shahaadooyin lagu guddoonsiiyay 8 Xisbi siyaasadeed oo ka dhacday Muqdisho

Munaasabad Shahaadooyin lagu guddoonsiiyay 8 Xisbi siyaasadeed oo ka dhacday Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Disembar 04, 2017 – Guddiga madaxbanaan ee doorashooyinka ayaa munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho markii ugu horeysay Shahaado Aqoonsi ah ku guddoonsiiyay ilaa 8 Xisbi siyaasadeed.

Xisbiyadan la siiyey Shahaadooyinkan ayaa la sheegay in ay soo buuxiyeen shuruudihii loogaga baahnaa in loo Aqoonsado xisbi siyaasadeed.

Waxaa ka qeybgalay munaasabada guddoomiyaha gollaha shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Khadar, xildhibaanno iyo mas’uuliyiin kale..

Xildhibaan Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan oo ku hadleysay Magaca Xisbiyada Siyaasadeed ayaa sheegtay in dhibaato badan loo soo maray sidii dalka uu Xisbiyado siyaasadeed uu ku yeelan lahaa.

Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheikh Cismaan “Jawaari” ayaa wuxuu sheegay in nidaamka Xisbiyadda badan Soomaaliya si weyn ugu baahan tahay loogana gudbi karo wax yaabo badan oo dhibaato ku haya Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa lagu wadaa doorashada 2020-ka in ay ka dhacdo doorasho ay ku tartami doonaan Xisbiyo siyaasadeed.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment