2637 Views

SAWIRO:–Maalinta Naafada Aduunka OoMaanta Laga Xusay Magalada Muqdisho

SAWIRO:–Maalinta Naafada Aduunka OoMaanta Laga Xusay Magalada Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Disembar 03, 2017 –Magaalada Muqdisho maanta waxaa lagu qabtay munaasabad lagu xusayay maalinta caalamiga ee Naafada Aduunka oo sanad walba laga xuso aduunka 03-da December, waxaa laga hadlaa dhibaatooyinka ay la kulmaan dadka baahiyaha gaarka ah qaba.

Munaasabadan oo uu soo qaban qaabiyay Dugsiga Indhoolayaasha ah ee Al-basiir oo ku yaalla degmada Waaberi ayaa waxaa ka soo qeyb galay Masuuliyiin ka socotay Gobolka Banaadir, Guddoomiyaha Degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir Rowdo C/laahi Colaad, Xubno ka socday Maamul Goboleedyada, Ururka SOCENCA, Maamulka Iskuulka, Arday iyo Qeybaha kala duwan ee bulshada.

Intii ay Munaasabadda socotay ayaa waxaa halkaasi Ardayda dhigata iskuulka ay ka soo jeediyeen Gabayo ku saabsan kaalinta bulshada ay ku leeyihiin dadka baahiyaha gaarka ah qaba, iyaga oo sidoo kale soo bandhigay Riwaayado aad ay ula dhaceen ka qeyb galayaasha, kuwaasi oo ku saabsanaa hanaanka wanaagsan ee ay wax u bartaan.

Faadumo C/laahi oo ka mid ah ka qeyb galayaasha oo halkaasi hadal kooban ka jeedisay ayaa waxa ay talo ahaan soo jeedisay in muhiim ay tahay in dadka baahiyaha gaarka ah qaba looga baahan yahay in ay sameeyaan cilmi baaris, si bulshada ay ugu soo bandhigaan.

Masuuliyiinta ka kala socotay Gobolka Banaadir iyo Maamulada dalka ka jira ayaa waxa ay isla qireen in mar walba ay garab taagan yihiin dadka u baahan garab qabashada, si aysan u dareemin midab takoor iyo liiditaan.

Guddoomiyaha Degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir Rowdo C/laahi Colaad oo soo xirtay Munaasabadda ayaa waxa ay sheegtay ka degmo ahaan in mar walba ay garab taagan yihiin dadka baahiyaha gaarka ah qaba, waxayna sidoo kale sheegtay in kaalin muuqata ay ka siiyeen dadka naafada ah shaqo abuurka uu sameeyay Gobolka Banaadir, qeybta Waaberi.

Iskuulka Al-basiir ayaa waxaa dhigata Arday Aragga La’a oo isugu jira wiilal iyo gabdho, waxaana halkaas ay ka helaan xanaano iyo Waxbarasho isugu jirta mid Diini iyo mid Madi ah.

Z1 z2 z3 z4 z5 z6 z7 z8 z9 z10 z12

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment