2538 Views

Sheekh Nuur Baaruud Gurxan Oo Mar kale Leerar afka ah Ku qaaday Xildhibaanada

Sheekh Nuur Baaruud Gurxan Oo Mar kale Leerar afka ah Ku qaaday Xildhibaanada
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Disembar 03, 2017 – Sheekh Nuur Baaruud Gurax oo ah guddoomiye ku xigeenla Hay’adda Culimada Soomaaliyeed oo xalay ka hadlayay madal uu Ra’isalwasaaraha Soomaaliya ku soo bandhigayay waxqabadka Xukuumaddiisa ka sheegay in loo baahanyahay in laga hortago Xildhibaannada Mooshinka wada.

Sheekh Baaruud ayaa sheegay Xildhibaannada Mooshinka wada ay yihiin cadow la mid ah Al-shabaab sida uu hadalka u dhigay islamarkaana loo baahanyahay in laga hortago.

“Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isalwasaare Kheyre waxaa leeyahay Mooshinka yaan lacag lagu bixinin,ilaa ay ka bakhtiyaan” ayuu yiri Sheekh Nuur Baaruud oo Ra’isalwasaaraha iyo Madaxweynaha ugu baaqay in aysan lacag siin Xildhibaannada.

Waxaa kale oo uu sheegay Sheekh Nuur Baaruud in marka mooshinka iyo isdiidka siyaasadeed jiro uu amniga dalku qal qal galo,isaga oo taas ka duulayana waxaa uu ku baaqay in Xildhibaannadaas la iska dhiciyo.

Mar hore ayuu sidan oo kale Sheekh Nuur soo jeediyay in Xildhibaannada mooshinka ka waday Xukuumadda Kheyre loogu galo guryahooda islamarkaana la iska dhiciyo.

Arrintaas waxaa ka carooday XIldhibaannada qaar,waxaana Golaha shacabka la hadlay Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golahaas ah waxaana uu Xildhibaannada ka hor sheegay in hadalka Sheekh Baaruud uu iyaga gef ku yahay loona baahanyahay in haddii Xildhiabaannada wax gaaraan isaga wax laga weydiiyo.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment