2418 Views

Guriga Wasiirka Madaxtooyada Soomaaliland Oo Gabi ahaanba Gubtay.

Guriga Wasiirka Madaxtooyada Soomaaliland Oo Gabi ahaanba Gubtay.
____________________________________________________________________________

Hargaysa  | QOL | Disembar 04, 2017 –Guriga uu deganyahay wasiirka Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa ku gubtay magaalada Hargeysa.

Mid kamidah Wariyaasha Hargeysa Ayaa Qaranimo Online U sheegaya in aanay cid ku dhiman islamarkaana aanu jirin dhaawac balse ay gubatay alaabtii guriga taalay oo dhami, dadka qaar ayaa sheegaya in alaabo iyo dukmentiyo ay ku jiraan alaabaha guriga ku gubtay.

Ciidamada Dabdamiska oo goor dambe soo gaaray guriga ayaa bakhtiiyay dabka.

Ciidamada Booliiska ayaa u diiday warbaahinta inay muuqaalo iyo sawiro ka qaataan guriga wasiirka ee gubtay.

Haayadaha dabdamiskaa ilaa iminka kama hadalin guriga wasiirkan ee maanta ku gubtay magaalada Hargeysa iyo cida ka dambeysa dabkaasi.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |Hargaysa 

_______________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment