2280 Views

Madaxweynihii Hore Ee yemen Oo La dilay.

Madaxweynihii Hore Ee yemen Oo La dilay.
____________________________________________________________________________

Sanca | QOL | Disembar 04, 2017 –Warbaahinta kooxda Xuutiyiinta Dalka Yemen ayaa goor-dhaw baahiyay in la dilay Madaxweynihii hore ee Dalka Yemen Cali Cabdalla Saalax.

Idaacad ay maamulaan Kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa waxaa ka hadlay Wasiirka Arimaha Gudaha ee Xuutiyiinta waxa uuna sheegay in la dilay Madaxweyne Cali Cabdalla Saalax.

Telefishinka Al-jazeera ayaa baahiyay Geerida Madaxweyne Cali Cabdalla Saalax, ma jirto ilo ka madaxbanaan Xuutiyiinta oo warkaan xaqiijin kara.

Cali Cabdalla Saalax ayaa wali warbaahinta ka soo muuqan tan iyo markii warkaan ay baahiyihiin Xuutiyiinta waxaana wararka ugu badan ee Yemen ka imaanayo ay sheegayaan in la dilay Madaxweyne Saalax.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Sanca

_______________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment