2292 Views

Shariif Xasan “Waqtigii AMISOM dalka ka bixi laheyd lama joogo”

Shariif Xasan “Waqtigii AMISOM dalka ka bixi laheyd lama joogo”
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December 4, 2017 –  Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sheegay in aan la joogin xilligii Ciidamada AMISOM dalka ka bixi laheyd, isagoo tusaale u soo qaatay in aanay wali dhulka nabad noqon.

Shariif Xasan ayaa sheegay in Ciidamada dowladda aysan wali awood u laheyn inay difaacaan meelaha qaar, sababtana ay tahay in aysan heysan hubkii ay isaga difaaci lahaayeen.

“AMISOM bixitaankeeda ayaa hada la sheegay, laakiin aniga waxaa is leeyahay waqtiga AMISOM ay bixi laheyd lama joogo, sababtoo ah Ciidamadeena wali ma dhismin, dhulkiina nabad ma noqon, dadka Soomaaliyeed hadii sidan looga tago dhibaato ayay noqoneysaa”ayuu yiri Shariif Xasan.

Shariif Xasan ayaa sheegay in loo baahan yahay marka hore in ciidamada la dhiso, isla markaana dhulkana nabad yahay, jidadkana ay furan yihiin, si markaas Ciidamada loogu diyaariyo inay amniga kala wareegaan AMISOM.

“Ciidamadeena dhibaatadooda waxa waaye meelaha qaarkood ma difaaci karaan, sababta waxaa ku kalifeysa hubka ay heystaan, hadii hub culus ay heysan lahayaeen, waxaa aaminsanahay meelihii ay la wareegaan inay heysan kari lahaayeen, laakiin hada ayadoo ku kalifeyso hubka ay heystaan darteed ma ilaali karaan”ayuu yiri Madaxweynaha Koofur Galbeed.

Waxaa uu sheegay in maamulkiisa Koofur Galbeed uu dhibaatooyin badan ka heysto Gobolka Shabeellaha Hoose oo ah meelaha ay ku xooggan yihiin Al-Shabaab, isla markaana deegaanada gobolka ay kala go’doonsan yihiin.

Hadalkan ka soo yeeray Madaxweynaha Koofur Galbeed ayaa ku soo beegmaya, iyadoo maanta uu magaalada Muqdisho ka furmay shir heerkiisu sareeyo oo looga hadlayo ammaanka, kaasoo u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo Beesha Caalamka.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment