2364 Views

Akhriso-:Isku aadka Tartanka ugu xiisaha badan Soomaaliya oo la sameeyay.

Akhriso-:Isku aadka Tartanka ugu xiisaha badan Soomaaliya oo la sameeyay.
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Disembar 05, 2017 Magaalada Muqdisho ayaa mar kale marti gilineysa mid ka mid ah Ciyaaraha ugu xiisaha badan ee kubadda Cagta Soomaaliya taas oo ah tartanka Ciyaaraha Gobalka Banaadir iyo Maamul Gobaleedyada waxa uuna Muqdisho ka furmayaa 8-da Bishaan oo ku beegan Jimcaha todobaadkan.

Maanta ayaa la sameeyay Isku aad-ka Kooxaha waxaana Group (A ) G/Banaadir, Galmudug iyo Jubaland. Group (B) Puntland, Hirshabeele iyo Koonfur Galbeed.

Kooxaha kala matalaya Gobalka Banaadir iyo Jubbaland ayaa todobaadka dhax mari doontaa ciyaarta ugu horeyso ee tartanka lagu furayo waxa ayna Ciyaaraha ka dhici doonaan Garoonka Kubadda Cagta ee Banaadir “Banadir Stadium” oo ku yaala degmada Cabdul Casiis ee Gobalka Banaadir.

Tartankaan ayaa Soomaaliya ka bilaawday sanadkii la soo dhaafay waxa uuna noqday kii ugu xiisaha badnaa oo lagu qabto Muqdisho sanadihii la soo dhaafay waxaana ka qayb galayay Kumanaan Shacab tageerayaal ah.

Sidoo kale tartankii kan ka horeeyay ayaa la sheegay in dhaqaalo badan uu ka soo xarooday, waxaana sababta xiisaha u yeeleysa tartankaan lagu sheegay in ay tahay Shacabka Soomaalida oo noqday Maamul Gobaleedyo ay ku lifaaqan tahay Caatifad qabiil.

Isbadalka dhinaca dhaqaalaha ayaa meelaha sida Xowliga ah looga dareemo ayaa waxaa ka mid ah suuqyada oo dumarka ay soo iibsadaan dhar ama Calan u muuqaal ama midib eg Calanka Maamul Gobaleedka ay taageeraan, Gawaarida aad loo soo kireesto waxaana maalintaas garoonka uu noqdaa mid la ciir ciiraya Gaadiid Shacab iyo Calamo tiro beelay.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment