2304 Views

Akhriso-:War-Murtiyeedkii laga soo saaray Shirkii amniga ee ka dhacay Muqdisho.

Akhriso-:War-Murtiyeedkii laga soo saaray Shirkii amniga ee ka dhacay Muqdisho.
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Disembar 05, 2017 Shirka Amniga Qaranka oo Madaxweeynaha Soomaakiya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu shalay ka Furay Magaladda Muqdisho ayaa Maanta lasoo Gabangabeeynayaa iyado isla shalayba la soo saaray War murtiyeedkii shirka.

War Murtiyeedka lasoosaaray wuxuu sheegayaa in Dib u habeeyn lagu sameeyo Qaybaha Amniga ee Dowladda Faderalka iyo Saaxiibadda Soomaaliya Amniga ka Taageera ay tahay Ahmid weeyn islamarkaana ay qayb katahay Horrumarro laga sameeyay Qodobadii masoo baxay shirkii London.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Cabiraxmaan Cumar Cismaan Yariisoow ayaa Idacadda VOA-da u sheegay in Dowladda Soomaaliya lagu amanay sida ay u hirgalisay Qodobadii ugu Muhiimsanaa ee kasoo Baxay shirkii london oo ay kamid ahayd isku dhafka Ciidamadda Dowladda iyo kuwa Maamul Goboleedyadda.

Ka Qayb galeyaasha Shirka Amniga Soomaaliya aya waxaa ay ku Hisiiyeen Sadax Qodob oo Mudan inlasiiyo Mudnaanta Koowaad, sadaxdaas Qodob aya u Qornaa Isda.

  1. In la fuliyo Istiraatiijiyadda Amniga Qaranka.
  2. In si deg-deg ah loo horumariyo Qorshaha kala guurka oo kusaleysan Waqti Cad si Masuuliyadda Amniga looga Wareejiyo Ciidamadda AMISOM looguna wareejiyo Ciidamadda Qaranka Soomaaliyeed.
  3. In la siiwado Taageeradda Beesha Caalamka si loo dhiso Awooda ciidamadda Qaranka Soomaaliyeed.

Shirka xiga ee Amniga Qaranka Waxaa lagu bar-bar qaban doonaa Shirka Golaha iskaashiga Soomaaliya ee dhicidoona Bartamaha Sanadka soo socda ee  2018.

Xoreeynta Deegaandda ay maamulaan al-shabaab iyo isku dhafka ciidamadda Dowladda ayaa ah Qoobo muhiim ah oo Dowladda Soomaaliya ay Beegsaneeyso Sanadka soo socda ee 2018.

Qeybta labaad ee shirka oo maanta ka socda Muqdisho ayaa diiradda lagu saaraya arimaha dhaqaalaha iyo siyaasadda halka shalayna laga hadlay oo kaliya arimaha Ciidanka iyo amaanka Soomaaliya.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment