2208 Views

Hishiiskii Soomaaliland Iyo Khaatuma Oo Labeeniyay

Hishiiskii Soomaaliland Iyo Khaatuma Oo Labeeniyay
____________________________________________________________________________

Hargaysa| QOL | Disembar 05, 2017Guddoomiyaha Golaha Guurtida Maamulka Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa Golaha Guurtida kulankooda ka sheegay in uusan jirin heshiis dhexmaray Somaliland iyo Khaatumo.

Waxaa uu sheegay in wadahadalka dhexmaray labada dhinac uu ahaa soo jeedin islamarkaana uusan jirin wax heshiis ah oo dhexmaray labada Maamul ee Somaliland iyo Khaatumo.

Saleebaan ayaa yiri “waad ku riiqanteen arrintaas,hadda waxaa ay joogtaa Madaxweynaha,waana soo jeedin ee heshiis maha,waxaa ay heshiis noqoneysaa marka labad gole soo marto”.

Guddoomiyaha Guurtida ayaa ugu digay Xildhibaannada labada Gole iyo Siyaasiyiintuba in ay ku deg degaan arrintaas oo uu sheegay in ay heshiis noqon karto marka ay ansixiyaan labada gole inta ka horreysana aan lagu fududaan.

Maamullada Somaliland iyo Khaatumo ayaa bartamihii Sanadkan heshiis ku gaaray mideynta labada maamul iyo in dib loo furo dastuurka Somaliland.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Hargaysa 

_______________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment