2298 Views

Nuxurka-: Khudbadihii laga jeediyay Shirka maalintii Labaad ka socda Muqdisho.

Nuxurka-: Khudbadihii laga jeediyay Shirka maalintii Labaad ka socda Muqdisho.
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Disembar 05, 2017 Waxaa magaalada Muqdisho maalintii Labaad ka soconaya wejigii 2-aad shirkii London ee arrimaha Soomaliya, kaasi oo ay ka qeyb galayaan madaxda dowladda Soomaaliya,kuwa dowlada Goboleedyada iyo saaxiibada beesha Caalamka,waxaana lagu wadaa in maanta la soo gaba gabeeyo iyadoo Warmurtiyeed laga soo saari doono.

Hadaba Shirka oo haatan socda ayaa waxaa laga jeediyay khudbado kala duwan oo aad muhiim u ah, waxaan ka soo qaadan doonaa nuxurka Khudbadahaasi, waxaana khudbadii ugu horeysay jeediyay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo ka hadlay Hormaro badan oo dhinaca dhaqaalaha iyo amniga ah oo dowlada sanadkan ay ku talaabsatay, Federaalka, Qorshaha Doorashada 2020 iyo Xiriirka wanaagsan ee ka dhaxeeya Dowlada Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada hoostaga

“Hormaro badan ayaan ka sameynay dhinaca Amniga iyo Dhaqaalaha, waxaa naga go’an inaan hirgalino Federaalka, Doorashada 2020 waa mida ugu muhiimsan Siyaasadeena waxaana socda wadatashiyada la xiriira sida ay u dhacayso doorashada, Xiriirka dowlad goboleedyada waa hagaajinay waxaana jirta wadashaqeyn wnaaagsan” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya.

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa isna jeediyay khudbad uu kaga hadlay arimo badan waxaana ka mid ahaa Miisaaniyadda Dowlada uu sheegay in lagu hormarinayo adeega Bulshada iyo in Canshuurta shacabka laga qaado oo lagu dhisayo Dugsiyo Waxbarasho

“Muda kadib Miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2018 ayaa lagu hormarinayaa adeega Bulshada, Canshuurta shacabka Soomaaliyeed ayaa loogu dhisayaa Iskuulo waxbarasho, Waddanka hore ayuu socdaa” ayuu yiri R/wasaare Khayre.

Sidoo kale waxaa ka hadlay shirka qaar ka mid ah Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada, Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay si Kala dambeyntii iyo Sharcigii dalka loo soo celiyo in muhiim ay tahay in la dhameystiro Dastuurka

“Kala dambeyntii iyo sharcigii si loosoo celiyo waxaa loo baahan yahay in Dastuurka dalka la dhameystito, waxaa socda wada hadalo, waa in laga wada qeybgalo lana xoojiyo” ayuu yiri Cabdiweli Gaas

Shariif Xasan Sheekh Aadan Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed ayaa ka hadlay saameynta ka dhalata Fatahaadaha wabiga iyo Abaarta, isagoo sheegay in loo baahan yahay qorshe wax looga qabto.

“Caqabada na haysata waa fatahaada wabiga, sidoo kale Abaarta waa dhibaato na heysata waxaan u baahanahay inaan ka faa’iideysano wabiga oo keyd loo sameeyo, Kaliya markii ay Abaar dhacdo maaha in la gurmado,waxaan u baahanahay qorshe ku talagal ah oo wax looga qabto Abaaraha iyo ka Faa’iidaysi la’aanta Wabiga”ayuu yiri Shariif Xasan.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo ka hadlay shirka ayaa codsaday in la taageero heshiiska ay wada galeen Galmudug iyo Ahlu sunna

“Galmudug hadii aan nahay waan dambeynaa waa in nala taageeraa, Ahlusuna ayaan la heshiinay Waxaan u bahanahay in nala caawiyo” ayuu yiri Xaaf.

Wasiirka Wasaaradda Dastuurka Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa ka hadlay meesha ay marayaan howlaha dastuurka.

“Dib u eegista dastuurka waa hab aad muhiim u ah, si hufan ayaan howsha u wadnaa waxaan tagnay xarumaha dowlad goboleedyada iyo Muqdisho oo aan ku qabanay wadatashiyo Bishii May waxaan la kulanay wasiirada dowlad goboleedyada ee dastuurka”ayuu yiri C/raxmaan Xoosh Jibriil

Wasiirka Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Saciid ( Juxa) oo markiisa hadalka qaatay ayaa ka hadlay hanaanka qaran ee dib u heshiisiinta iyo khilaafaad badan oo guulo laga gaaray

“Wadahalo badan ayaa qaadanay hadii ay ahaan lahaayeen shirarkii madaxda qaranka iyo dowlad goboleedyada, waxaan qabanay shir hanaanka Qaran ee dib u heshiisiinta kaasoo ay ka soo baxeen guulo la taaban karo, Khilaafaadka hada hormaro ayaa laga sameeyay si gaar ah wadahadalada Galmudug iyo Ahlusuna, waxaan kale oo aan wax ka qabanay dhismaha dowladaha hoose ee dalka” ayuu yiri Wasiir Juxa.

Jamaal Xasan Wasiirka Qorsheynta ayaa sheegay in la bilaabay qorshe looga feejignaanayo inay soo laabtaan abaarihii iyo dhibaatooyinkii kale ee saameeyay shacabka .

“Waxaan xaqiijinay in dhibaato mar dhacdaa inaanay soo laaban Qorshaheeda, sida abaarihi dhacay sanadkii hore ilaa sanadkan bartamahiisa,waxaan sameynay qorshaha Taageerada hadii ay ahaan laheyd midka fog iyo kan dhow si looga faa’ideysto kaalmada Bani’aadannimo iyo mida Hormarinta, qorshaha hormarinta Qaranka si joogta ah ayaan uga wadatashanaa anagga iyo dowlad goboleedyada”. Ayuu yiri Mudane Jamaal

Xaliimo Yarey, oo ah Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Qaranka ayaa sheegtay in la bilaabay diiwaan galinta Xisbiyada iyo diyaarinta habka diiwaanka Codeeyeyaasha.

“Gudiga doorashada qaranka waxaa uu Diyaariyay qorshe Howleedka, waxaa ka mid ah bilaabida diiwaan galinta Xisbiyada, waxaa diiwaan galinay 7 xisbi, waxaa kale oo aan diyaarinay habka diiwaanka codeeyaasha” ayay yiri Xaliimo Yareey.

Wasiirka haweenka iyo xuquuqul insaanka ee xukuumadda Soomaaliya Deeqa Yaasiin ayaa sheegtay inay ay sameeyeen siyaasadii lagu dhisi lahaa Guddiga Xuquuqul Insaanka.

“Waxaan sameynay siyaasadii dhisida guddiga Xuquuqul Insaanka,waxaana u qoondeenay in lagu qeybiyo 50% Raga iyo 50% Haweenka waxaana ku jira dadka Naafada ah, waan sii wadeynaa sameynta Siyaasadaha Muhiimka u ah ilaalinta Xuquuqda dadweynaha”ayay yiri Wasiirka Haweenka.

Sidoo kale madasha waxaa khudbado ka jeediyay wakiilada beesha caalamka ee shirka ka qeyb galaya waxaana ka mid Safiirka dowladda Sweden ee Soomaaliya Mikael Lindvall oo sheegay in Soomaaliya sanadihii ugu dambeeyay ay ku guuleysatay waxyaabo badan

“Waxyaabaha Soomaaliya ay ku guuleysatay waxaa ka mid ah ka qeybgalinta Siyaasadda ee Haweenka,shirkan waxaa uu muujinayaa hormarka Soomaaliya,Ilaalinta xuquuqda Aadanaha waa muhiim, waa in xooga la saaro qabsoomida doorashada 2020, Dowladeyda waxa ay garab istaageysaa dadka iyo dowladda Soomaaliya,waxaan goaansanay inaan dib eegno taageeradeena, si aan kor ugu qaadno Hormarka ka socda Soomaaliya.

Maxamed Cali Guyo Wakiilka Urur Goboleedka IGAD ee Soomaaliya ayaa Ra’iisul wasaare Kheyre kaga mahad celiyay doorkii uu ka qaatay wada hadalada Galmudug iyo Ahlu sunna, isagoo sidoo kale ka hadlay doorashada iyo arimo kale

“Waxaan kaaga mahad celinayaa Ra’iisulwasaare ka qeyb qaadashada wadahadalkii Galmudug iyo Ahlusunna, Doorashada 2020 qabsoomideeda qof iyo cod waa muhiim”

Ujeedka guud ee shirkan ka socda magaalada Muqdisho ayaa ah in dowladda Soomaaliya ay soo bandhigto waxyaabihii uga qabsoomey shirkaasi oo wejigiisa koowaad ka dhacay magaalada London ee xarunta Dalka Brtian bishii May ee sanadkan 2017.

Xigasho Wakaaladda Wararka Soomaaliya ee SONNA

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment