3816 Views

Galmudug iyo Ahlusunna oo kala saxiixday heshiis ka kooban 14 Qodob

Galmudug iyo Ahlusunna oo kala saxiixday heshiis ka kooban 14 Qodob
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December 6, 2017 – Maamulada Galmudug iyo Ahlusunna ayaa Galabta Madaxtooyada Soomaaliya ku kala Saxiixday Heshiis ka kooban 14-Qodob,waxaana Goobjoog ka ahaa Saxiixa Heshiiska Madaxweynaha Soomaaliya,Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda,Madaxda Maamul Gobolleedyada,Wasiirro iyo Xildhibaanno ka tirsan Labada Golle Ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf iyo Hogaamiyaaha Ahlusunna Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa Heshiiska u kala Saxiixay Galmudug iyo Ahlusunna,iyadoo Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukumadda Soomaaliya Cabdi Faarax Saciid Juxa uu Heshiiska la saxiixay Madaxweyne Xaaf iyo Sheekh Maxamed Shaakir.

Qodobada lagu Heshiiyay Ee 14-ka Qodob ka Kooban waxaa ka mid ah in Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ah Madaxweynaha Maamulka Ahlusunna uu noqdo Wasiirka Kowaad Ee Galmudug islamarkaana uu Shir Guddoomin Doono Kulamada Golaha Wasiiradda Galmudug sida ku Qoran Heshiiska.

Qodobada waxaa kale oo ugu Muhiimsan in Madaxweynaha Galmudug,Kuxigeenkiisa,Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Labadiisa ku xigeen ay sii joogaan.

bbbbbbbbbb

bbbbbbbbbbbbbbbbb

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment