2454 Views

Guddoomiye Taabid “waxaan u baahanahay Ciidamo madax banaan oo suga Amniga Muqdisho”

Guddoomiye Taabid “waxaan u baahanahay Ciidamo madax banaan oo suga Amniga Muqdisho”
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December 6, 2017 –  Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed ayaa dalbaday Ciidamo madax banaan oo suga Ammaanka Caasimadda.

Guddoomiye Taabid oo khudbad ka jeediyay shirkii Amniga Muqdisho ayaa soo jeediyay dhismaha Ciidamo madax banaan, oo qaada howl gallo wadajir ah, isla markaana leh Hal Talis, si ay sugaan ammaanka Gobolka Banaadir.

Waxaa uu sheegay ciidamo kala duwan ay ka howl galaan magaalada Muqdisho, isla markaana ay adkaatay inay xaqiijiyaan amniga Muqdisho, taasna ay sababtay in loo baahdo Ciidamo madax banaan oo hoos-taga Gobolka Banaadir oo leh Hal Talis.

“Gobolka Banaadir waxay leedahay tirada ugu badan ee Ciidamo ammaanka, hadana waxay si joogta u wajahaan khataro amni, waana sababta aan ugu qanacsan nahay in aan helno ciidamo madax banaan oo isku xiran, lehna Hal Talis”ayuu yiri Guddoomiye Taabid.

Sidoo kale Guddoomiye Taabid ayaa sheegay in Gobolka Banaadir uu la kulmay weerarkii ugu xumaa ee argagixiso ee dhacay 14 October, kaasoo lagu dilay in ka badan 500 oo ruux, isagoo xusay inay muhiim tahay in la qaado tallaabooyin lagu xakameynayo amniga, laguna soo celinayo xasiloonida Gobolka.

Bishii May ee sanadkan ayaa Golaha Wasiirada waxay dhiseen Ciidan isku dhaf ah oo loogu magac daray Xasilinta Caasimadda, kaasoo la hoos-geeyay Maamulka Gobolka Banaadir, ciidamadan ayaa isugu jiray Boolis, Milateri, iyo Nabadsugid, waxaana ciidamadan ay ka qeyb qaateen isku dhacyo dhiig fara badan ku daatay oo ka mid ahaa mid dhex maray iyaga iyo Ciidamada Ilaalada Madaxtooyada iyo iska hor imaad kale oo ay degmada Dayniile kula galeen Ciidamo Milateri, waxaana wixii ka dambeeyay isku dhacyadaas isa soo tarayay walaac laga muujinayay qaabka ciidamadan u howl galaan.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment