15549 Views

Kulan Lagu Daah Furayey wadatashiga Siyaasadda Tababarada Qaranka Oo Muqdisho ka Dhacay

Kulan Lagu Daah Furayey wadatashiga Siyaasadda Tababarada Qaranka Oo Muqdisho ka Dhacay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December 6, 2017– Kulankan,  ayaa ahaa wajigii koowaad ee lagu daahfuray Wadatashiga Siyaasadda TabaradDa Qaranka, kaasi oo muddo aad u fog ay ugu dambeysay in la isku howlo ama laga wada hadlo.

Madasha kulankan oo uu shir guddoominayay Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS, Mudane Xildhibaan Saalax Axmed jaamac,  ayaa waxaa kasoo qeybgalay Wasiirka Shaqada ee KG, Wasiirka Shaqada ee Hirshabeelle, La-taliyeyaasha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Agaasimeyaasha tabarada ee 26 ka Wasaaraddood ee XFS, iyo Xubno ka tirsan beesha caalamka.

Waxaa hadalka daahfuray Agaasimaha Waaxda Tabarada Shaqada ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada,  Ismaaciil Macalin Cabdullaahi, isagoo si diirran u soo dhoweeyay kasoo qeybgalayasha kulanka, waxuuna si kooban uga warramay ujeedka kulanka, kaasi oo uu ku sheegay inuu yahay daahfurka Wadatshiga Siyaasadda Tabarada Qaranka, caqabadaha shaqo ee soo laalaabtay owgeed ayuu sheegay Agaasimaha in la door biday in xal loo helo, lagana bilaabo qeybaha ugu muhimsan ee uu ugu horreeyo Tababarka Shaqaalaha Rayidka lana hirgeliyo Siyaasadda Tababarka Qaranka.

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada,Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xildhibaan Saalax Axmed Jaamac,  ayaa  salaan iyo soo dhoweyn kaddib waxuu yiri:-

“Maanta waxaan isugu imaanay inaan ka baaraan dagno ama aan isku afgaranno Siyaasadda Tababarada Qaranka, waxaan kasoo shaqeeyay Hay’adaha Dowladda kuwooda kala duwan, waxaana arki jiray tababarro cayyiman ee ujeedda gooni ah laga lahaa ee ma arkin Siyaasad Tababar ee jirtay ama la hergeliyay, Haddaba waa inaan isku afgarannaa sida loo heli lahaa Siyaasaddaas Tababar ee hirgasho, Shaqaalaha Rayidka waxey xaq u leeyihiin in kor loo qaado xirfaddooda” ayuu yiri wasiir Saalax

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment