3375 Views

Dowladda Fadaraalka Oo ka tacsiyadeysay geerida Gaduudo Carwo

Dowladda Fadaraalka Oo ka tacsiyadeysay geerida Gaduudo Carwo
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December 07, 2017–Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya Eng. C/raxman Cumar Cismaan “Yariisoow” ayaa ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay geeridii naxdinta laheyd ee ku timid Allaha u naxariistee Shamis Abuukar oo loo yaqaanay “Gaduudo Carwo” taas oo saaka ku geeriyootay magaalada Hargeysa.

“Innaa Lillaahi wa innaa ileyhi raajicuun, waxaan halkan tacsi tiiraanyo leh uga dirayaa ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan eheladi iyo qoyskii ay ka baxday Allaha u naxariistee Gaduudo Carwo oo ka mid aheyd fanaaniinta ugu magaca dheer dalkeenna Soomaaliya” Ayuu yiri Eng. Yariisoow.

Gaduudo Carwo oo ka mid aheyd gabdhihii ugu horeeyay fanka Soomaalida ayaa in muddo ah ku xanuunsaneysay magaalada Hargeysa, iyadoo ugu dambeyn waaberigii saaka ku geeriyootay isla magaaladaasi Hargeysa.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment