2682 Views

Dowladda Oo Sucuudiga Ka Guddoontay Diyaarad Gar gaar Dawo ah keentay

____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December 07, 2017–Diyaarad sidday deeq dawo ah oo dowladda Sucuudigu ay ugu deeqday Soomaaliya ayaa soo gaartay magaalada Muqdisho, taasi oo dowladda Soomaaliya lagu wareejiyay si loogu adeego bulshada.

Waxaa sidoo kale Diyaaraddaasi saarna qaar kamid ah dad Soomaaliyeed oo dhaawacyo qabay kuwaasi oo muddo 6 bilood ah lagu daweynayay dalka Sucuudiga kadib markii ay ku dhaawcmeen qaraxyo ka dhacay magaalada Muqdisho muddo laga joogo dhowr bilood.

Maxamed Cabdalla Almaajid oo ka mid ahaa wafdigii ka socoday dalka Sucuudiga oo si gaar ah ula hadlay warbaahinta Qaranka ayaa faah faahin ka bixiyay deeqdaasi dawada ah.

“Anagoo tixraacayna amarkii uu bixiyaya Malik Salmaan,ee Sucuudiya iyo Naa’ibkiisa in shacabka Soomaaliyeed la gaarsiyo gar gaarka ay u baahan yihiin,waxaa maanta timid  diyaarad sida gar gaar dawo ah oo loogu talagalay in lagu caawiyo shacabka Soomaaliyeed,berina waxaa imaandoonta ilaa 3 diyaaradood oo gar gaar ah,”Xamdda Cabdalla.

Wasiir ku xigeenka Wasaardda gargaarka Xukuumadda Soomaaliya ahna kusimaha Wasiirka  Cilmi Cumar Ceynsanye ayaa uga mahadceliyay dowladda Sucuudiga sida ay u garab taagan tahay Soomaaliya.

“Waxaan halkani ku soo dhaweynaynaa wafdi ka socda Maliku Salmaan alkhayriyah,Waxaan uga mahadcelinaynaa dowladda Sucuudiga,gar gaarkan ay ina soo gaarsiisay,waxaan leenahay ku soo dhawaada dalkiina labaad,sidoo kale waxaan uga mahadcelinaynaa sida ay isaga xilsaareen gar gaarka caafimaad oo ay u fidiyeen dad Soomaaliyeed oo dhaawacyo qabay kuwaasi oo lagu soo daweeyey, sida Yuusuf Cabdi iyo Maxamed Yuusuf, oo 6b bilood ka ay ku dhaawacmeen qarax Muqdisho ka dhacay,” Ayuu yiri Wasiir ku xigeenka Gargaarka.

Tan iyo markii uu dhacay qarixii 14kii Oct-waxaa sii kordhayay gurmad kaladuwan oo ka kala imaanaya wadamada Caalamka,Sucuudiga ayaa kamid ah wadamada sida aadka ah u taageera Soomaaliya, gaar ahaan dhanka gargaarka.

 

bbbbv B1 B2

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment