5349 Views

Xulka K/cagta ee Gobolka Banaadir oo kabadiyay xulka Jubbaland

Xulka K/cagta ee Gobolka Banaadir oo kabadiyay xulka Jubbaland
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December 8, 2018 – Tartanka Ciyaaraha maamul goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa galabta ka furmay garoonka kubadda cagta ee Stadium Koonis, iyadoo ciyaartii u horeysay lagu furay Xulka Kubadda cagta ee Gobolka Banaadir iyo Xulka Kubadda Cagta Jubbaland.

Tartankan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Dhalinyarada iyo Isboortiga ayaa waxaa ka qeyb galaya shanta maamul goboleed iyo Gobolka Banaadir, kuwaasoo labo Group loo kala qeybiyay.

Ciyaartii u horeysay ayaa galabta lagu bilaabay xulka Gobolka Banaadir iyo Xulka Jubbaland, iyadoo ay si rasmi ah tartanka u furtay Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye, waxaa daawashada ciyaarta galabta ka soo qeyb galay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Taabid Cabdi iyo Mas’uuliyiin kale.

Ciyaartoyda Gobolka Banaadir iyo Jubbaland ayaa soo bandhigay ciyaar wanaag ay asluub ku dheehan tahay, inkastoo ciyaarta qeybtii hore ay goolal la’aan ku dhamaatay, hadana qeybta labaad ayay dhasheen goolasha.

Xulka Gobolka Banaadir ayaa ku hormartay Goolasha, waxaana ay dhaliyeen labo gool oo xiriir ah oo ay u dhaxeeyeen daqiiqado, mid ka mid ah goolasha Jubbaland ayaa iska dhalisay.

Ciyaartoyda Jubbaland ayaa markii labada gool looga hormaray ayaa waxay la soo baxeen dar dar xoog leh, iyagoo bilaabay inay fursado abuuraan, waxaa ay dhaliyeen gool, hase ahaatee waxaa jiray gool uu ka diiday garsooraha ciyaarta, maadaama uu ahaa Fool Offside.

Ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 2-1 oo ay si dirqi ah ku badiyeen xulka Gobolka Banaadir, oo nasiib u yeeshay in kulankii u horeeyay ee furitaanka inuu badiyo.

ciyaraha-gobolada-1 ciyaraha-gobolada-2 ciyaraha-gobolada-4 ciyaraha-gobolada-5 ciyaraha-gobolada-6 ciyaraha-gobolada-7 ciyaraha-gobolada-8 ciyaraha-gobolada-10 ciyaraha-gobolada-11 ciyaraha-gobolada-14

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment