2370 Views

Diyaarad Siday Soomaali Laga Soo Musaafuriyey Dalka Maraykanaka Oo Cilad Soowajahday

Diyaarad Siday Soomaali Laga Soo Musaafuriyey Dalka Maraykanaka Oo Cilad Soowajahday
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December 09, 2017 –Dowladda Mareykanka ayaa si rasmi ah u xaqiijisay in diyaarad siday ku dhawaad 92 qof oo Soomaali ah oo laga masaafuriyay dalka Mareykanka in diyaaradii siday ay cilad ku timid.

Dadkaan ayaa heysan sharciga lagu jooggo dalka Mareykanka, waxaana dhawaan laga soo qabtay qaar ka mid ah gobolada dalka Mareykanka.

Diyaaradda siday dadkaan ayaa ka degtay Magaalada Deka ee Caasimadda dalka Senegal, waxaana intaasi ka dib ay dib ugu laabatay dalka Mareykanka.

Waaxda Socdaalka Mareykanka ayaa xaqiijisay in dadkaasi hadda lagu soo celiyay Mareykanka.

Waaxda ayaa sidoo kale sheegtay in diyaaradda siday dadkaasi ay cilado ku timid xilli ay hawadda ku jirtay , islamarkaana ay go’aansadeen in dadkaasi dib loogu soo celiyo Gudaha Mareykanka oo markii hore laga tarxiilay.

Cumar Jamaal oo ka mid ah Sharci yaqaana Soomaalida ee kunool Mareykanka ayaa VOA u sheegay in arintaasi ay walwal ku abuurtay.

Tan iyo markii la doortay Madaxweyne Trump Boqolaal Soomaali ah oo Sharci daro ku jooggay dalka Mareykanka ayaa dib loogu soo celiyay Soomaaliya.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment