2601 Views

Dowladda Masar oo Muqdisho soo gaarsiisay deeq dawo ah oo gaareysa 5-tan”

Dowladda Masar oo Muqdisho soo gaarsiisay deeq dawo ah oo gaareysa 5-tan”
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December 09, 2017 – Diyaarad nuuca Mileteriga ah oo ka timid dalka Masar, islamarkaana siday deeq daawo ah oo gaareysa 5-tan ayaa soo caga dhigatay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Thaabit Cabdi Maxamed ayaa qunsulka Safaaradda Masar kala wareegay deeqdani waxaana goob joog ka ahaa wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan dowladda Soomaaliya, saraakil ka tirsan ciidamada qalabka sida iyo madax kale.

Wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdullaahi Xaamud ayaa uga mahad celiyay Dowlada Masar deeqda ay soo gaarsiiyeen walaalahooda Soomaaliyeed.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Thaabit Cabdi Maxamed oo la wareegay deeqadni daawada ah oo gaareysa 5-tan ayaa goobta ka sheegay  in daawadani la geyn doono goobaha loogu tala galay.

Dowladda Masar ayaa ka mid ah Dowladaha saaxiibka dhow la ah Soomaaliya, islamarkaana door muuqda ka qaadata hormarinta arrimaha aas aasiga u ah bulshada, sida waxbarashada caafimadka iyo qaar kale oo badan.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment