2697 Views

Iney Arsenal & Real Ku Garaaceen Saxiixa CR7, Balantii Uu Kusoo Jiitay & Sir Alex Ferguson Oo Ka Sheekeeyay Qaabkii Uu Ronaldo Ugu Wareegay Real Marid.

Iney Arsenal & Real Ku Garaaceen Saxiixa CR7, Balantii Uu Kusoo Jiitay & Sir Alex Ferguson Oo Ka Sheekeeyay Qaabkii Uu Ronaldo Ugu Wareegay Real Marid.
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December 09, 2017 –Weeraryahanka Real Madrid Cristiano Ronaldo ayaa ku guuleystay abaalmarintii 5-aad ee Ballon d’Or kadib xaflad lagu qabtay Eiffel Tower oo ku taala Paris, sidaas darteed tababarahiisii hore Man United Sir Alex Ferguson ayaa kashifay in Real Madrid iyo Arsenal ay doonayeen saxiixiisa markii uu 18-jir ahaa.

Macalinkaan hawlgabay ayaa lasoo saxiixday Cristaino Ronaldo sanadkii 2003, wuxuuna kala soo wareegay Sporting Lisbon kadib markii uu arkay hormarka uu sameynayo, wuxuuna noqday xidiga ugu wanaagsan dunida sanadki 2008, waana sanadk ka hor markii uu ka tagay Old Trafford.

Sir Alex Ferguson oo la hadlayay France Football ayaa waxyaabo badan ka warbixiyay, sidoo kalana wuxuu qiray inuu u sameeyay ballan qaad ay ku qanceen hooyadiis iyo wakiil Jorge Mendes.

wwwwwwwwwwwwwwwd

Waxaan la hadlay Ronaldo iyo Jorge Mendes, wuxuuna ii sheegay iney tahay inaan dhaqsano sababtoo ah Real Madrid & Arsenal ayaa doonayay iney la saxiixdaan” ayuu yiri Sir Alex.

“Waxaan u sheegay Ronaldo inuu nagu soo biiro”

Wuxuuna ii sheegay inuu arintaas kala hadlayo hooyadiis”

Red Devils oo aad u dooneysay saxiixa wiilka da’da yar ayaa diyaarad qaas ah u dirtay, waxeyna isaga iyo qoyskiisa usoo duulen magaalada Manchester.

Heshiiska loogu qanciyay xidigaan inuu yimaado Old Trafford waxaa ka qeyb ahaa inuu si tartiib ah ugu qeyb galin doono kooxda waaweyn, waana wax uu dareemayay Ferguson iney faa’iido u tahay kooxdiisa.

“Waxaan u maleynayaa in Jorge Mendes iyo Hooyadiis ay aad ugu farxeen balan qaadkii aan u sameeyay isagoo ah wiil aad u yar oo aan lagu aamini karin kooxda koowaad”

“Sidoo kale waxaan laheyn qorshe aan si dagan u dooneynay inuu ula qabsado nolosha kooxda”

Dhanka kale 2009, xidigii ay kasoo bixiyeen 15 Malyan oo Euro, wuxuu noqday 94 Malyan oo Euro, Red Devils ayaana iibisay xidigii ugu qaalisanaa dunida waqtigaas inkastoo macalinka uusan dooneyn inuu iibiyo xidigiisa ugu fiican.

“Roman Calderon ayaa doonayay in dib loo doorto isla markaana Ronaldo uu u isticmaalo hubkii doorashada, balse ma aheyn wax sax ah” ayuu yiri SAF.

“2009, Florentino Perez ayaa noqday madaxweynaha Real Madrid, waxeyna u noqotay mid fudud inuu gacanta ku dhigo”

“Mendes waa mid aan caadi aheyn, wuxuuna danahiisa lacageed u hibeeyay hormarka ciyaariyahan Cristaino Ronaldo”

Tan iyo markii uu u guuray Los Blancos wuxuu ku guuleystay afar jeer abaalmarinta Ballon d’Or.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment