2046 Views

Xubin ka Tirsan Congresska Mareykanka Oo Ka Hadlay Dhacdadii Bariire

Xubin ka Tirsan Congresska Mareykanka Oo Ka Hadlay Dhacdadii Bariire
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December 09, 2017 –ubin ka tirsan Congresska Mareykanka ayaa ku boorriyay Waaxda Difaaca in ay bilaabaan baaritaan cusub ku saabsan dadkii rayidka ah ee ay waxyeelado kasoo gaartay howlgallada ciidamada dowladda Mareykanka ay ka fuliyaan Gudaha Soomaaliya gaar ahaan meelaha ay jooggaan Al-Shabaab.

Ted Lieu oo ka tirsan Congesska  ayaa ugu baaqay sarkaal Sare oo ka tirsan Waaxda Difaaca  in uu dib u eego eedeynta loo jeediyay Saraakiisha Ciidamada Mareykanka ee Afrika, waxaana uu sheegay in ciidamada Mareykanka ee Soomaaliya ay toogteen 10 qof oo aan hubaysneyn oo ku nool beerta magaalada Bariire bishii August.

Waxaa uu sheegay in hadii ay taasi saxno noqoto howlgalka Mareykanka ee Afrika uu noqon doono Mid guul dareystay.

Wasaaradda Difaaca ee Mareykanka ayuu ka dalbaday in ay sameyso Baaritaano waxtar leh oo ku saabsan waxyeeladda Shacabka.

David Trachtenberg, oo ah ku-simaha xog-hayaha difaaca siyaasadda Mareykanka ayaa ka jawaabay Hadalka Xildhibaanka waxaana uu  sheegay in uu gudbin doono wasaaraddiisa ayna bilaabi doonaan Baaritaano cusub.

Mr Trachtenberg ayaa sidoo kale tilmaamay in taliska Mareykanka ee Afrika (Africom) ay horay baaritaan ugu sameeyeen dhacdadii Bariire  waxaana uu yiri  “dhaawacyo kaliya ayaa soo gaaray dadkaasi, waxaana ay ahaayeen dad hubeysan”

“Waxaa naga go’an hadii aan nahay  Wasaaradda Gaashaandhiga, wax walba oo khatar ah oo ku dhacda dadka rayidka ah in aan ilaalino, waxaana ka shaqeyneynaa sidii looga hortagi lahaa waxyeeladda Shacabka” ayuu yiri David Trachtenberg.

Dowladda Mareykanka ayaa horay loogu eedeeyay  in waxyeelo badan ay kasoo gaarto dadka Shacabka duqeymaha ay ka wado Gudaha Soomaaliya.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment