2982 Views

Daawo Sawirada:–Madaxda Galmudug Oo Muqdisho Kula Kulmay Xildhibaanno Ka tirsan Baarlamaanka Galmudug

Daawo Sawirada:–Madaxda Galmudug Oo Muqdisho Kula Kulmay Xildhibaanno Ka tirsan Baarlamaanka Galmudug
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December 10, 2017 —-Madaxda Maamulka Galmudug ayaa Maanta Magaalada Muqdisho kula kulmay Xildhibaanno ka tirsan Dowlad Gobolleedka Galmudug,waxaana ka qeyb galay Kulanka ka dhacay Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho Madaxweynaha Galmudug,Kuxigeenkiisa,Guddoomiyaha Baarlamaanka,Madaxweynihii hore ee Ahlusunna haddana ah Wasiirka Koowaad Ee Dowlad Gobolleedka Galmudug iyo Guddoomiye Kuxigeenada Baarlamaanka Galmudug.

Kulanka ayaa ahaa mid lagu soo Afjarayay Khilaafkii ka dhex jiray Hay’adaha Dowliga ah ee Dowlad Gobolleedka Galmudug,waxaana Kulanka Qudbado kala duwan ka jeediyay Madaxdii ka qeyb gashay.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf oo hadal ka jeediyay Munaasabadda ayaa Xusay in Galmudug hadda ay ka heshiisay Khilaafkii mudooyinkii dambe ka dhex jiray,waxaana uu Tilmaamay in Galmudug sidoo kale ay la midowday Walaalahood Ahlusunna Waljamaaca.

Wasiirka Koowaad Ee Dowlad Gobolleedka Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ka hadlay Kulanka ayaa sheegay in Midnimadda Shacabka Gobollada Dhexe ku nool ay tahay wax Wanaagsan,wuxuuna Xusay in hadda loo baahan yahay in Al-shabaab laga saaro Degaanada ay Maamulaan oo Awoodda la isugu geeyo.

A1 A2 A3 A4 A6 A7

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment