2115 Views

Mareykanka Oo 2 Sano Ku kordhiyay Howlgalka Cirka ah Ee uu kawado Somaliya

Mareykanka Oo 2 Sano Ku kordhiyay Howlgalka Cirka ah Ee uu kawado Somaliya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December 11, 2017 —-Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka ayaa sheegtay in la kordhiyay muddada Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka ay weerarrada ka wadi karaan Soomaaliya.

Sharci cusub oo Bishii October ee la soo dhaafay la saxiixay ayaa Ciidanka Mareykanka u oggolaanaya in dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab iyo Daacish ee Soomaaliya loogu oggolyahay in ay sii wadi karaan muddo ka badan Labo sano oo soo socota.

Marc Raimondi oo ah Afhayeenka Golaha amniga Qaranka Mareykanka ayaa u sheegay Newyor Times in howlgalka lagu beegsanayo AL-shabaab iyo Dacish ee Soomaaliya uu sii socon doono labada sano ee soo scota.

“Maddooneyno in aan qorshaheenna iyo siyaasadaheenna la dagaallanka Argagixisada baahinno,waxaanse kuu sheegayaa in howlgalka lagu kordhiyay waqti cusub islamarkaana noo oggolaanaya in aan beegsanno kuwa qatarta ku ah amnigeenna”ayuu yiri Marc Raimondi intii uu wareysiga siinayay Newyork Times

 

Haddii qorshan uu anisixiyo Golaha xeer dejinta Mareykanka waxaa ay Wasaaradda difaaca lumin kartaa awooddeeda in ay hakad geliso weerar uu fasaxay Pentagon-ka ayaa lagu yiri Warbixintan.

Hayeeshee Wasaaradda Gaanshaandhigga waxaa ay wali awooddaa joojinta weerarrada qaar iyada oo kulamo deg deg ah la yeelaneysa Golaha amniga Qaranka ee Dalka Mareykanka.

Howlgalka la dagaallanka Argagixisada Mareykanka ee Soomaaliya ayaa Bishii November ee la soo dhaafay shaaciyay in howlgalkooda Soomaaliya uu xoogeystay islamarkaana tirada Ciidamada Mareykanka ka joogta SOomaaliya la kordhiyay lana gaarsiiyay in ka badan 500 oo Askari.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment