2472 Views

Midowga Afrika Oo Ka Digaya In 6,000 Oo Daacish ah Ku Soo Laabanayaan Qaaradda

Midowga Afrika Oo Ka Digaya In 6,000 Oo Daacish ah Ku Soo Laabanayaan Qaaradda
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December 11, 2017 —-rurka Midowga Afrika ayaa ka digay in Qaaradda ay ku soo laabtaan lix kun oo dhallinayro Afrikaan ah kuwaas oo ka mid ah 30,000 oo Ajaanib ah kuna biiray Daacish intii u dhaxeysay 2014kii ilaa Sanadkii 2016kii.

Madaxda Amniga iyo Nabadda ee Midowga Afrika Smail Chergui ayaa Magaalada Algiers s ee Dalka Algeria ka sheegay in Guddiga amniga Midowga AFrika uu hayo xogta la xiriirta in dhallinyaradii Afrika ee ku biiray Daacish ay Qaaradda ku soo laabanayaan iyaga oo wlai wata fikirka daacish ee dagaalka ku dhisan.

Waddamada Qaaradda Afrika ayuu ugu baaqay in ay xoojiyaan xiriirkooda dhinaca amniga iyo sirdoonka si dhowna isula shaqeeyaan si looga hortago in Dhallinyarada Afrika ee ku biiray Daacish ay dhibaato ka geystaan gudaha Qaaradda Afrika gaar ahaan Waddamada ay ka soo jeedaan.

Ururka Daacish ayaa lagu jebiyay dagaalkii dalalka Ciraaq iyo Syria waxaana hadda la sheegayaa in dagaallamayaasha Ajanabiga ah ee u dagaallamayay ay ku laabanayaan dalalkii ay ka soo jeedeen iyaga oo wata fikirka Daacish,iyaga oo qatar ku ah amniga Dalalkooda.

 

Dowladda Ciraaq ayaa maalintii doraad ahayd ku dhawaaqday in uu dhamaaday dagaalkii Dowladdu kula jirtay Daacish islamarkaan Ciidamada Ciraaq ay si buuxda gacanta ugu hayaan dhamaan xudduudaha Dalka Ciraaq.

Dhinaca Syria,Ruushak ayaa isagana ku dhawaaqay in uu afjaray dagaalkii uu ka waday dalkaas ee uu kula jiray Daacish waxaana uu xusay in Ururkaas uu ku jebiyay gudaha Dalka Syria.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment