2172 Views

Maareeye: “Somaliland, maamul in la dhoho aflagaaddo weye”

Maareeye: “Somaliland, maamul in la dhoho aflagaaddo weye”
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December 12 ,2017 —-Wasiirkii hore ee Warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ,ayaa sheegay in ay gef tahay in Somaliland loogu yeero Maamul sidoo kalena laga mid dhigo Maamul Goboleedyada ka jira Soomaaliya.

Miisaaniyadda Federaalka qeybta ay ku leedahay Somaliland ayuu sheegay in sida ay u qorantahay aysan sax ahayn loona baahanyahay in laga dhigo lacagta Horumarinta Midnimada Somaliya iyo Somaliland.

Maareeye ayaa sidoo kale sheegay in loo baahanyahay in raalli gelin laga bixiyo magaca Maamulka Somaliland ee koofurta laga dhaho Somaliland.

Xildhibaan Maareeye ayaa sidoo kale gef ku tilmaamay in Somaliland lagala mid dhigo dowlad Goboleedyada kale waxaana uu dalbaday in Magaca Maamulka laga joojiyo.

“Bogga 7aad waxaa ay Guddigu ku qoreen, Maamulka Somaliland,Aflagaaddo weye,Somaliland Maamul ma’aha waana in raalli gelin laga bixiyo”ayuu yiri Maareeye.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment