2538 Views

Sawirro:-Maxaabiis Soomaali Ah Oo Dalka Dib Loogu Soo Celiyay

Sawirro:-Maxaabiis Soomaali Ah Oo Dalka Dib Loogu Soo Celiyay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December 12, 2017 —Maxaabistan oo Tiradooda gaareysay Todobo Dhalinyaro Soomaaliyeed oo ku Xirnaa jaziirada Sechelles ayaa maanta dib loogu soo celiyay dalka, Waxaana  Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku Soo dhaweeyay Wasiirka Cadaalada, Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Xeerilaaliyaha Guud ee Qaranka iyo Xubno ka tirsan Aqalka Sare.

Maxaabiistani ayaa 6 ka mid ah xabsiga Ku dhameysan doona dalka halka qofka todobaad la sii dayay maadaama uu soo dhameystay mudada xabsiga lagu xukumay.

Taliyah Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sareeye Gaas Xuseen Xasan Cusmaan ayaa sheegay in tallaabo Wanaagsan ay tahay in dalka dib loogu soo celiyo maxaabiista Soomaaliyeed ee ku Xiran Wadamada Calamka.

Xeerilaaiyaha Guud ee qaranka Dr. Axmed Cali Dahiir oo halkaasi ka hadlay ayaa Xusay in Maxaabiis kale khamiista ay ku soo Wajhanyihiin dalka si dalkooda ay ugu dhamestaan  Xukunnada  u dhiman.

Wasiirka Cadaalada Xukumada Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji  ayaa tilmaamay in Wasaaradda Cadaalad oo kaashaneyo Xeerilaaliyaha guud ee Qaranka iyo Wasaradda Arimaha dibada ay ku mashquulsan tahay in dalka dib loogu soo celiyo maxaabiista Soomaaliyeed ee ku xiran wadamada dibadda.

bbbbbvvvv

aaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaas

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment