2310 Views

Mugabe Oo Markii ugu Horreysay Ka baxay Zimbabwe

Mugabe Oo Markii ugu Horreysay Ka baxay Zimbabwe
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December 13 ,2017 —Madaxweynihii hore ee Dalka Zimbabwe Ropert Mugabe ayaa markii ugu horreysay tan iyo markii uu is casilay ka baxay Dalkaasi isaga oo u dhoofay Dalka Singapore.

Ilo ku dhow Mugabe ayaa sheegay in uu dalkaasi u aaday hubinta caafimaadkiisa halkaas oo uu ku leeyahay Dhaqtar gaar ah,safarkiisa waxaa ku wehlineysa Xaaskiisa Grace Mugabe iyo saraakiil ka tirsan Dowladda Zimbabwe.

Dowladda cusub ee Dalkaas ayaa xaqiijisay in iyada ay maalgelineyso safarka Zimbabwe ee Singapore,islamarkaana uu raacay diyaaradda Air Zimbabwe oo ay dowladda leedahay.

Saraakiil aan la shaacin magacyadooda ayaa ka qeyb ah safarka Mugabe ee Singapore,waxaana uu kaddib hubinta caafimaadkiisa u sii gudbayaa Dalka Malaysia,halkaas oo la filayo in Gabadha uu dhalay ay ku dhasho cunuggeeda 2aad.

 

Mugabe oo is casilay 21kii November ayaa sheegay in xanuun dhinaca aragga ah uu u aaday Singapore,waxaase uu beeniyay in uu qabo cudurka Kansarka oo jariiradda WiliLeaks ay shaacisay sanadkii 2008ddii.

Mugabe ayaa ka hor afgambigii aanu dhiigga ku daadan waxaa uu doonayay in doorashooyinka 2018ka ka dhacaya Zimbabe uu ku matalo xisbigiisa Zanu-PF,taas oo uu mudda xileedka ku sii dheereysan lahaa.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment