2559 Views

Sawiro:-Kulan Looga Hadlayay Wax Soo saarka Shidaalka Oo Lagu qabtay Maanta Muqdisho

Sawiro:-Kulan Looga Hadlayay Wax Soo saarka Shidaalka Oo Lagu qabtay  Maanta Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December 13 ,2017 —Waxaa maanta magaalada Muqdisho gaar ahaan xarunta Akadeemiyadda Cilmiga Fanka iyo Suugaanta lagu qabtay kulan lagu soo bandhigayay, laguna falanqeynayay wax soo saarka shidaalka iyo horumarka dalka.

Kulanka ayaa waxaa ka soo qeyb galay wakiilo ka kala socday xafiisyada Madaxweynaha  Soomaaliya, Ra’iisul Wasaaraha dalka, Agaasimaha Wasaaradda Batroolka, Agaasimaha Waaxda Tababarada Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha, Maamulka Gobolka Banaadir, Guddoomiye ku xigeenka Akadeemiyadda Cilmiga Fanka iyo Suugaanta iyo xubno kale.

Kulankan sidoo kale waxaa lagu marti qaaday qaar ka tirsan Ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata Jaamacadaha dalka, gaar ahaan Ardayda barata Kuliyadda Batroolka, kuwaasi oo soo bandhigay aragtiyo kala duwan.

Dhammaan masuuliyiintii ka qeyb gashay kulankan ayaa waxa ay isla qireen sida ay muhiim u tahay sidii cilmi baaris loogu sameyn lahaa Shidaalka dalka, sidoo kalena loo kordhin lahaa wax soo saarka dalka.

Ciise Maxamed Siyaad oo ah Guddoomiye ku xigeenka Akadeemiyadda Cilmiga Fanka iyo Suugaanta oo goobta ka hadlay ayaa Ardayda Soomaaliyeed ugu baaqay in ay sameeyaan cilmi baaris kala duwan, si ay u noqdaan Arday tayo leh.

Dr. Xuseen Cali Axmed Agaasimaha Wasaaradda Batroolka ayaa dhankiisa sheegay ka Wasaarad ahaan in ay siminaaro iyo aqoon kororsi u sameyn doonaan Ardayda Soomaaliyeed ee barata Kuliayadda Batroolka, si ay ugu noqoto dhiiragelin.

Ugu dambeyntii Agaasimaha Waaxda Arrimaha Bulshada Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha dalka Maryan Aadan Amiin ayaa balan qaaday in xafiiska Ra’iisul Wasaaraha uu ilgaar ku heyn doono Ardayda barata Kuliayadda Batroolka, waxayna sheegtay in Khayre ay u gudbin doonto dhammaan waxyabihii looga hadlay kulanka.

 

R1 R2 R3 R4 R5 R7 R8

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment