2850 Views

Shiiq Mukhtaar Roobow oo ka degay Kismaayo

Shiiq Mukhtaar Roobow oo ka degay Kismaayo
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December 13 ,2017 —Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) hoggaamiye ku xigeenkii hore ee ururka Al-shabaab ayaa galabta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbada Hoose, halkaasi oo sidoo kale xarun KMG ah uu u yahay Maamulka Jubbaland.

Roobow ayaa waxaa magaalada Kismaayo ku soo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan Maamulka Jubbaland, qeybaha kala duwan ee bulshada, oo ay ku jiraan Odayaal, Haween iyo dhalinyaro.

Ujeedka Socdaalka Roobow ee Kismaayo ayaa lagu sheegay inuu la xiriiro wadatashi uu la qaadanayo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo ay xilli ka wada tirsanaan jireen Al-Shabaab.

Sawirro laga soo qaaday markii ay ka degeen Garoonka Diyaaradaha ayaa waxa ay muujinayeen safarka Wadaadka inuu ku wehliyo Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Soomaaliya C/rashiid C/laahi Maxamed oo ay isku heyb yihiin Roobow, sidoo kalena ahaa ninkii Xudur ka keenay bishii August.

Sheekh Roobow ayaa dhowaanahan ku sugnaa degaanada Koonfur Galbeed, gaar ahaan magaalada Baydhabo, halkaasi oo uu kulamo kula soo qaatay Madaxda Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, oo uu kala soo hadlay sidii loo xoojin lahaa Dagaalka Shabaab, sidoo kalena wax looga bedeli lahaa Istiraatiijiyada hada lagula dagaalamayo.

Ilo wareedyo muhiim ah ayaa Idaacadda Risaala u sheegay Roobow intii uu ku sugnaa magaalada Baydhabo in ay isa soo dhiibeen shaqsiyaad qaab dhuumaaleysi ah uga tirsanaa ururka Al-shabaab, oo u badnaa Ganacsato, kuwaasi oo cadaadis uu saaray Roobow ay sababtay in ay banaanka is keenaan, maadaama wadaadka uu yaqaano xubnaha sida qarsoodiga ah Shabaab uga tirsan.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment