2313 Views

Shir Looga hadlayo Go’aankii Trupm Oo Hogaamiyaasha Wadamada Muslimiinta uga Furmay Turkiga

Shir Looga hadlayo Go’aankii Trupm Oo Hogaamiyaasha Wadamada Muslimiinta uga Furmay Turkiga
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December 13 ,2017 —Waxaa Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga ka furmay Shirka deg dega ah oo ay isugu yimaadeen dalalka Islaamka kaasi oo looga hadlayo go’aankii Donald Trump uu Caasimada Israa’iil ugu aqoonsaday magaalada barakeysan ee Qudus, waxaana ka qeyb galaya Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Shirkan oo ay kasoo qeyb galeen hogaamiyeyaasha 16-dal  iyo wakiilo ka socda qaar ka mid ah wadamada Islaamka ayaa waxaana khudbada furitaanka ka jeedinaya Madaxweyne Turkiga Erdugan oo ah Shir guddoomiye ah, isagoo ugu baaqay Mareykanka inuu ka laabto Go’aanka uu Qudus ugu aqoonsaday Caasimada Israa’iil, wuxuuna ugu yeeray Dowladaha iyo Hay’addaha Difaaca Xuquuqda Aadanaha inay caasimada Falastiin u aqoonsadaan inay tahay Qudus.

Sidoo kale waxaa la filayaa in shirka uu khudbad ka tarjumeyso qadiyada Falastiin inuu ka jeediyo Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabaas Abuu Maasin.

Falastiiniyiinta ayaa ka dalbanaya Dowladaha Islaamka in Shirkooda Istanbul ee maanta ay xiriirka ugu jaraan Maamulka Israa’iil ee heysta dhulalka reer Falastiin.

Caro adag oo dunida Muslimka ah ayaa ka dhashay qaraarkii Madaxweynaha Mareykanka uu ku sheegay in Qudus ay tahay Caasimada Israa’iil.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment