2424 Views

Shirka Iskaashiga Islaamka Oo Maanta ka Furmaya Turkiga iyo Madaxweyne Farmaajo Oo Ka qeybgalaya.

Shirka Iskaashiga Islaamka Oo Maanta ka Furmaya Turkiga iyo Madaxweyne Farmaajo Oo Ka qeybgalaya.
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December 13 ,2017 —-Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga waxaa maanta ka furmaya shirka ururka iskaashiga Islaamka ee loo yaqaano (OIC), shirkaasi oo uu ku dhawaaqay 6-dii bishan Madaxweynaha dalka turkiga Erdogen.

Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxda dalalka ku mideysan Ururka Iskaashiga Islaamka ee caaalamka iyaga oo uga hadli doona xaalada magaalada Barakeysan ee Al-Qudus kaasi oo goor hore uu ku shegay madaxweynaha mareykanka Donald trump inay caasimad utahay dalka israa,iil.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo Isniintii ka amba baxay Magaaalada Muqdisho ayaa Soomaaliya ku metelaya shirkani.

Shirkan ayaa si gaar ah looga hadlayaa waxyaabaha kasoo kordhay magaalada barakeysan Al-Qudus iyo sidii dalalka Muslimka ah ay go’aan mideysan uga qaadan lahaayen arrinkani.

Dowladda Soomaaliya, oo 8-dii bishan bayaan ka soo saartay tallaabada Mareykanka uu Magaalada Qudus ee dhulka Falastiiniyiinta ugu aqoonsaday inay tahay Caasimadda Israel ayaa sheegtay in ay ka walaacsan tahay go’aanka uu qaatay Madaxweyne Donald Trump, waxayna ugu baaqday in uu ka fiirsado halista uu go’aankani ku yeelan karo mustaqbalka Bariga Dhexe iyo waliba caalamka intiisa kale.

Sidoo kale caalamka muslimiinta ku nool ayaa arinkaani waxa ay ku tilmaameen inuu yahay go,aan uu ku dheehanyahay axmaqnimo iyo waliba kala dhantaalida muslimiinta ku nool caalamka iyadoona dibad baxyo arinkaasi looga soo horjeedane goor hore la qabtay.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment