2319 Views

Ciyaar Galabta Dhaxmari Laheyd xulalka Kubadda Cagta Jubbaland iyo Galmudug Oo La baajiyay.

Ciyaar Galabta Dhaxmari Laheyd xulalka Kubadda Cagta Jubbaland iyo Galmudug Oo La baajiyay.
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December 14 ,2017 —Sida laga soo xigtay Xubno ka tirsan Bahda Ciyaaraha Soomaaliya Waxaa la baajiyay ciyaartii galabta dhex mari laheyd xulalka kubadda cagta Jubbaland iyo Galmudug oo ka tirsan Tartanka Ciyaaraha maamul goboleedyada ee ka socda magaalada Muqdisho.

Kulan Golaha Wasiirada Soomaaliya goor dhow yeesheen ayaa lagu go’aamiyay in la baajiyo ciyaarta galabta lama sheegin sababta keentay baaqashada Ciyaartaan.

Kooxaha Ciyaartoyda Jubbaland iyo Galmudug ayaa lagu wargeliyay inay baaqatay ciyaarta galabta, oo aheyd ciyaartii u dambeysay ee Group-ka A.

Lama sheegin xilliga la ciyaari doono ciyaarta galabta baaqatay, hase ahaatee waxay u badan tahay in maalinta nasashada ciyaaraha loogu tala galay in la ciyaari doono, halka maalinta berri oo jimco ah ay ku qorsheysan tahay ciyaarta dhex mari doonta Puntland iyo Koofur Galbeed.

Mas’uuliyiin kala duwan oo aan la xariirnay ayaa sheegay inaysan heyn faah faahin dhab ah oo ku saabsan sababtii loo baajiyay Ciyaartaan, warar aan la xaqiijin ayaa sheegayo in sababo dhinaca amniga ah  loo baajiyay Ciyaartan.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment